”Jubbaland waxay ka tirsanayd Kenya!!” – Kenya oo maqaal uu qoray Daily Nation ku sheeganaysa gobol Soomaaliyeed

0

(Nairobi) 27 Dis 2020 – 1966, Dr Njoroge Mungai waxaa uu madax xanuun kasoo wajahay Baarlamanka xilligii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga — Jubbaland.

Haatan 54 sanadood kaddib, isla Jubbaland ayaa hortaalla MW Uhuru Kenyatta jeer uu xiriirka Kenya iyo Somalia uu marayo dhabbe cagaag badan, waxaa qoraal dheer oo uu Jubbaland ku sheeganayo ku bilaabay John Kamau oo isaga oo adeegsanaya dood aad u liidata oo ku dhisan aragtidii gumaysigii Britain tusaale soo qaatay.

Ilaa 1926-kii, Jubbaland waxay ka tirsanayd Kenya oo ay dadka halkaa deggani isu arkayeen inay qayb ka yihiin. Waxaa taa sharraxaysa in rag uu ka mid ahaa Harry Thuku loo musaafuriyey Kismaayo kaddib qaaquullooyinkii 1922-kii ka dhacay dibedda Kingsway, Nairobi (oo hadda ah saldhig booliis).

Wuxuu sheegay in Talyaanigu ay heshiis qarsoodi ah la galeen Britain, iyagoo ogolaaday inay kusoo biiraan isbahaysigii Britain, France, USA iyo Russia, balse ogolaado inay qaataan Jubbaland iyo jasaa’irka Giriigga ee Dodecaneso.

Si uu u bixiyo sawir ah in Kenya ay dood ka leedahay Jubbaland ayuu qoraalka dheer kusoo afjaray: Haatan 95 sanadood kaddib waxay Muqdisho il shakisan ku eegaysaa Kenya, sidoo kale MW Ibraahim Madoobe (magaca wuu khalday), waxay u arkaan nin la shaqeeya oo olog la ah Kenya iyo KDF amaba dabcan xiriirka taariikhiga ah ee ay Jubbaland la lahayd Nairobi.

Si kastaba, John Kamau ayaan xusin in NFD afti laga qaaday horraantii 60-kii ay ku codeeyeen inay qayb ka noqdaan Jamhuuriyadda Somalia, waloow uu markii dambe uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AUN) uu Caruusha ku saxiixay heshiis muran dhaliyey 1967-kii, kaasoo NFD ku daray Kenya.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media