Maydka cunug yar oo Muslim ah oo dalka Sri Lanka lagu gubey oo uu muran ka taagan yahay + Sababta loo gubey

0

(Hadalsame) 27 Dis 2020 – Gubitaanka qasabka ah ee Sri Lanka loogu gaystay maydka canug yar oo Muslim ah oo 20 maalmood jiray ayaa waxa ay bannaanka soo dhigtay amarka muranka badan uu ka dhashay ee dowladda ee ah in la gubo maydadka dhammaan dadka u dhinta cudurka Covid-19.

Dadka dhaliilaya go’aankaas ayaa sheegaya in go’aanka aanan lagu salayn cilmiga sayniska balse loogu talagalay uun in lagu bartilmaameedsado bulshada laga tirada badan yahay. Sida uu ku soo warramay weriyaha Laanta Afka Sinhala ee BBCda.

Maxamed Faahim iyo xaaskiisa Fathima Shafna ayaa aad u farxay markii uu dhashay wiilkooda yar ee Shaykh 18-kii Nofeembar kaddib lix sanadood oo ay sugayaan.

Hasayeeshee faraxaddaas ma aanay sii raagin.

Habeenkii bisha Diseembar ay aheyd 7, ayaa waxa ay arkeen canugooda oo ay neefta ku dheggan tahay. Waxa ay kula ordeen Isbitaalka carruurta ee Lady Ridgeway, oo ah kan ugu wanaagsan caasimadda Colombo.

“Waxa ay noo sheegeen in wiilku uu xaalad culus ku sugan yahay oofwareenna uu hayo. Hasayeeshee markii la maraayo saqda dhexe ayey wiilka baareen kaddibna waxa ay noo sheegeen inuu ku dhacay fayraska korona,” Maxamed Fahim, oo ku shaqeysta TukTuk, ayaa u sheegay Laanta afka Sinhala ee BBC-da.

Sri Lankan Muslims hold a banner as they demonstrate near the office of President Gotabaya Rajapaksa, in Colombo on December 16, 2020.
Muslimiinta ayaa maxkamadda geeyay dacwad lagu badalayo sharciga lagu gubo maydadka

Dhakhaatiirta ayaa markii dambe waxa ay baareen Mr Fahim iyo xaaskiisa balse labaduba cudurka waa laga waayay.

“Waxaan waydiiyay sida canugayga loogaga heli karo cudurka xilli labadeennuba, weliba hooyadii nuujinaysay nagala waayay cudurka?”

Oohin, murugo iyo walwal kaddib, waalidiintaas walaacsan waxay saraakiishu u sheegeen inay gurigooda aadaan iyagoo baaritaanno kale oo dheeraad ah lagu samayn doono. Waxaa loo sheegay inay isbitaalka soo wacaan si ay xog dheeraad ah u helaan.

Maalintii xigtay, waxaa loo sheegay in canugooda uu u dhintay Covid-19. Mr Fahim ayaa dhakhaatiirta si joogta ah u waydiiyay inay baaritaan kale sameeyaan, hasayeeshee way diideen.

Kaddib dhakhaatiirtii ayaa waxa ay Mr Fahim waydiiyeen inuu saxiixo warqado uu ku ogolaanayo in la gubo maydka canugooda, sida uu dhigayo sharciga Sri Lanka.

Mr Fahim ayaa arrintaas diiday: sababtoo ah in la gubo maydka waa ka mamnuuc diinta Islaamka, oo waxa ay ka dhigan tahay in maydka la dhibaataynayo, arrintaas oo uu Allaah mamnuucay.

Arrintaas Mr Fahim kaliya kuma koobna ee qaar ka mid ah qoysaska Muslimiinta ah ayaa diiday inay sheegtaan maydadka ehelkooda dhintay, arrintaas oo horseedday in dowladdu ay iyadu gubto, halka qaar badan oo dadkaas ka mid ahna aanay aqbalayn dambaska dadkii ay jeclaayeen ee dhintay misana la gubay.

White ribbons tied on a fence at a cemetery in protest against the government policy of forced cremations of Muslims who die of the coronavirus - Colombo, December 14, 2020.
Waa goobta lagu gubo dadka Sri Lanka ugu dhinta fayraska korona sida Shaykh oo kale

Mr Fahim ayaa sheegaya inuu si joogta ah u codsaday in lagu soo wareejiyo maydka canugiisa, hasayeeshee saraakiisha ayaa diiday. Maalintii xigtay, waxaa loo sheegay in maydka wiilkiisa loo qaaday goobta maydadka lagu gubo.

“Goobta waan tagay hasayeeshee gudaha uma aanan gelin,” ayuu yiri. “Sideen ku daawan karaa maydka canugeenna oo la gubaayo?”

‘Wax caddayn ah looma hayo’

Hogaamiyayaasha siyaasadda, diinta iyo bulshada ee matala bulshada Muslimiinta ayaa ku celceliya codsiga ay dowladda u diraan ee ah in la badelo siyaasadda ah “in maydka la gubo uun”, iyagoo soo qaatay 190 dal oo dunidan ku yaal oo ogolaaday in maydadka la aaso, iyo talada ay bixiso Hay’adda Caafimaadka Adduunka. Xitaa dacwaddooda waxa ay gaarsiiyeen Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka, hasayeeshee kiisaskooda gaashaanka ayaa loo daruuray iyadoon wax sharraxaad ah la siin.

Dowladda ayaa waxa ay ku doodaysaa in aaska maydadka ay suuragal tahay inay sumeeyaan biyaha dhulka hoostiisa ku jira, iyagoo soo qaadanaya hadal ay guddi khubara ah sheegeen, hadalkaas oo sida uu ku yimid iyo daliilka ay u adeegsadeen aanan la garanayn.

Prof Malik Peiris, oo ah dhakhtar fayraska ku takhsusay oo caalamka aad looga yaqaan, ayaa waxa uu su’aal galiyay dooddaas dowladda.

“Covid-19 ma ahan cudur biyo ka dhashay,” Prof Peiris ayaa BBCda u sheegay.

“Ma aan arag wax caddayn ah oo muujinaysa in cudurka ay sii faafaahin karaan dadka u dhintay. Fayrasku wuxuu ku faafaa oo kaliya unugyada jirka nool. Markii uu qofku dhinto, awooddii uu fayrasku ku kobci lahaa aad bay u yaaraataa.”

Waxa uu intaasi ku daray: “Maydadku laguma aaso meel ay biyo marayaan. Markaad maydka qofka ku aastid lix feet dhulka hoostiisa ee aad misana dhar ku xirxirtid, waa ay adagtahay in biyo socdaa uu maydkaas sumeeyo.”

Muslims wearing face masks pray to mark Eid while social distancing in Colombo on 1 August, 2020.
Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in ay baadigoobayso dhul lagu aaso Muslimiinta u dhimata Covid

Markii hore aad looguma naxariisanayn bulshada Muslimiinta ah hasayeeshee markii sida qasabka ah loo gubay maydka Shaykh ayey arrintu isbadashay.

Waxyar uun kaddib markii uu soo baxay warka, ayaa rag, haween, iyo wadaado diimaha kale matalayay, dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa ay isugu soo uruureen afaafka hore ee goobta maydadka lagu gubo, waxa ayna albaabka ku xireen xargo cadcad. Inta badan dadkaasi waxa ay ka soo jeedeen bulshada laga tirada badan yahay ee Sinhala.

Dadka ayaa sidoo kale baraha ay bulshada ku wada xiriirto ku dhaleeceeyay waxa dhacay.

People tying white cloth outside the crematorium
Dad xargo cad cad ku xiraya goobta maydadka lagu gubo

Hilmy Axmed, kuxigeenka gudoomiyaha Golaha Muslimiinta ee Sri Lanka, ayaa BBCda u sheegay in ay iska caddahay in arrintan ay qeyb ka tahay ajande “midab kala sooc” oo lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta laga tirada badan yahay.

“Dowladda uma muuqato inay aqbalayso waxkasta oo sayniska lala xiriirinayo,” ayuu yiri. “Uma muuqdaan inay qaadanayaan talada khubarada fayraska iyo dadka cilmiga durugsan u leh caafimaadka. Tani waa ajande midab kala sooc oo lagu soo gudbinayo ra’yiga koox kooban oo farsamo.”

“Waa wixii ugu dambeeyay ee Muslimiinta lagu samayn lahaa sababtoo ah cid ogolaanayso malahan in canug yar maydkiisa la gubo,” ayuu ku daray. “Sidoo kale waxaa arrintaas la sameeyay iyadoon maydka canuga la tusinin waalidiintii.”

Hasayeeshee dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay in tallaabooyinka lagu baacsanayo Muslimiinta, iyadoo sheegtay in xitaa Budhhistaha reer Sinhala dadka ay jecelyihiin ee dhintay lagu gubo muddo 24 saacadood ah, arrintaas oo ka hor imanaysa dhaqankooda.

Ra’iisul Wasaare Mahinda Rajapaksa ayaa dhanka kale waxa uu amray mas’uuliyiinta inay keeneen dhul qalalan oo lagu aaso dadka u geeriyooda fayraska korona, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Dhanka kale, Mr Faahim ayaa sheegaya in illaa hadda aanay weli maskaxdiisa ka bixin waxa ku dhacay wiilkiisa yar ee Shaykh.

“Rajadaydu waxa ay tahay oo kaliya in qof kale uusan marin xanuunkan oo kale. Ma doonayo in carruurta kale ay ku dhacaan waxa wiilkayga ku dhacay.”

Isha: BBC Somalia

Hadalsame Media