Isbahaysiga Imaaraadka & Israel oo waa SEEF SUMAYSAN oo beerka uga dhacday Carabta, Muslimiinta (Qaybtii 2-aad maqaal xog-ogaal ah)

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2020 – Israel oo ay dhici karto inay marka dambe ogolaato in cadad kooban oo F-35 ah laga iibiyo Imaaraadka si loo masloxo, ayay u badan tahay inay codsato inay iyadu tababarto duuliyeyaasha dayuuradahaas, isla markaana wixii farsamo iyo kab ah iyada loo daba fariisto. Dookh kale, waa in ay dayuuradaha iibsadaan Imaaraadku, balse ay duuliyaan Yuhuuddu. Akhri qaybtii 1-aad…

Danta 1-aad ee Yuhuudda – Waxay doonayaan inay xiriirka Imaaraadka uga faa’iidaystaan dano badan oo istaraatiji ah oo aysan awal galaangal u lahayn, ugu yaraan Juqraafi ahaan.

Tusaale, waxay Imaaraadka u adeegsan doonaan furunta 1-aad ee wajahaysa carada Iiraan, iyadoo ka maarmaysa ku tiirsanaanta Ciidamada Maraykanka ee Imaaraadka fadhiya.

Taa biddaalkeeda, waxay kaddib xiriirka Imaaraadka awood u yeelanaysaa inay dayuuradeedii kasoo duuli lahaa gudaha Israel u nastaan, balse ay si KMG ah u adeegsato dayuuradaha Imaaraadka oo ay wadaan duuliyeyaal Israeli ah, kuwaasoo shidaal iyo dayactir uga helaya saldhigyada Imaaraadka oo intii dhagax la tuuro u jira Iiraan, si ay marka hore usoo basaasaan awoodda ciidan ee dalkaasi, iyagoo dul haadaya biyaha caalamiga ah ee Marinka Hormuus.

Waxaa cad in wiilka kibrey ee Mohammed Bin Zayed oo waloow uu yahay Dhaxalsuge, misna isagu yahay hoggaamiye beenaadka Imaaraadka kaddib markii uu taladii ka xoogey walaalkii Khalifa Bin Zayed oo aan hadda cidina waxba ka dhegeysan, uu dheeraadkii dhaqaalaha Imaaraadka (surplus) u adeegsanayo tacabburro ciidan oo uu Imaaraadku aad ugu sumcad beelay sanadihii yaraa ee dambe.

Wuxuu si xil leh oo xaraar u fara geliyey dalal mar walaal u arki jirey Imaaraadka min Suuriya Syria, Yemen, Libya iyo Somalia oo uu ka wada simay inuu kala qaybiyo, marka aad eegto gaar ahaan 3-da dal ee ugu dambeeya, waloow Suuriya oo uu markii hore la jirey jabhadihii ku kacay uu markii dambe u wareegey dhanka diktatoorka Asad.

Sida ku cad qiyaasta hay’adda falanqaysa iibka hubka ee Forum on the Arms Trade, hubka ay iibsadeen dalalka Bariga Dhexe ayaa 2019-kii u boodey $25.5 bilyan oo doollar, taasoo ka badan $11.8 bilyan oo ay tiradu ahayd 2018-kii. Imaaraadku wuxuu kaligii tiradaa hubka lasoo iibsade ka yahay 56%.

Imaaraadka ayaa sidaa darteed lacagahiisa wuxuu u adeegsanayaa burburinta iyo kala qaybinta dalalka Carbeed iyo kuwa Islaamka ah, taasoo cidda kaliya ee ay dan ISTARAATIJI ihi ugu jirtaa ay tahay Israel oo abid ku haminaysey inay aragto senaariyo noocan ah, maadaama ay Carabtu u yihiin cadow taariikhi ah.

Waxay sidaa Imaaraadku ku noqonayaan SEEF SUMAYSAN oo dhabarka kaga taalla dadka Carbeed ee ay qaybinayaan iskana hor keenayaan, sidaa darteed, waxaa Carab iyo Muslim kasta oo ay diintiisa, dalkiisa iyo sharatiisu qiime ugu fadhido ku waajib ah inay iska caabbiyaan Imaaraadka oo si aan la fahmi karin ugu raran Israel.

Dhamaad….

Waxaa Qortay: Dr Amira Abo el-Fetouh

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media