Turkiga oo noqday dalkii 5-aad oo leh barnaamij ballaaran oo hawada sare ah + Sawirro

0

(Ankara) 01 Sebt. 2020 – Turkiga ayaa cirka u ganaya dayax-gacmeed ku shaqaynaya tiknolojiyadda matoor ku shaqeeya dareeraha ganista fududeeya, sida uu sheegayo MW Recep Tayyip Erdoğan oo higsanaya inuu dalkiisu isku fillaado.

“Hadda waxaannu kusoo biirnay dalalka hawada sare annaga oo haatan tijaabinayna gantaalo aannu u direeyno hawada sare,” ayuu yiri Erdoğan oo ka hadlayey furitaanka mashruuc a waddo Roketsan oo deggan caasimadda Ankara.

Erdoğan ayaa horraantii sanadkan 2020 ballan qaaday inay ku biirayaan dalalka leh barnaamijyada hawada sare sida Ruushka, Maraykanka, Shiinaha iyo Hindiya.

Wuxuu sidoo kale furay ilaa 40 wershadood oo cusub oo soo saaraya waxyaabo kala duwan, isagoo tilmaamay inay Turkigu iminka 70% soo saartaan waxyaabaha ay u baahan yihiin tiknolojiyad ahaan.

Xafladda furitaanka ayaa lagu beegay Sanad-guuradii 98-aad ee Maalinta Guusha Jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga oo ku beegnayd 30-kii Agoosto 1922-kii, goortaasoo ay iska caabbiyeen dhulkoodana ka xorreeyeen Giriigga oo ay horay u xukumayeen oo doonayey inuu markiisa qabsado Turkiga, kaddib burburkii Khilaafadii Cusmaaniyiinta.

Hadalsame Media