Turkiga oo sameeyey gantaalaha riddada dheer ee la hago oo uu saaray gaari gaashaaman

0

(Ankara) 01 Sebt 2020 – Roketsan, oo ah sharikad Turkish ah ayaa sameeysay gantaal riddada dhexe ah oo taangi dile ah kaasoo lagu xirayo gawaarida gaashaaman ee la yiraahdo Kaplan oo ka kooban dhowr nooc oo loo daabulayo Ciidanka Xoogga Turkiga (TSK).

Gantaalahan oo xoojinaya awoodda ciidanka dhulka dalkaasi ayaa sameeysay gantaalahan oo ah kuwa la hagi karo iyagoo ku shaqaynaya hannaanka dhowaan la hormariyey ee Yalman Weapons System isla markaana dhowr nooc isu raaca.

Wuxuu hannaankani ku shaqaynayaa gantaalaha ay samayso Roketsan sida gantaalka riddada fog ee taangi dilaha ah ee (UMTAS), iyo midka laysarka lagu hago ee isna masaafada dheer wax ka dila ee LUMTAS oo labaduba taangi dileyaal ah, oo ay wehliyaan gantaalaha Cirit.

Hannaankan iyo hubkan ayaa isu qaadanaya noocyo badan, iyadoo mar kasta la eegayo baahida jirta iyo nooca uu yahay bartilmaameedka la tooganayo.

Hannaankan ayaa awood u leh inuu bartilmaameedka ka bar garto, ka raadiyo kana toogto meel 8 KM ka fog.

Hadalsame Media