Isbahaysiga Imaaraadka & Israel oo waa billaawe beerka uga dhacay Carabta, Muslimiinta (Qaybtii 1-aad maqaal xog-ogaal ah)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2020 – Kaddib markii ay jacaykoodii la qarinayey qirteen Imaaraadka iyo Sahyuuniyaddu, waxay Imaaraadka oo rajaynayey in in taakada laga qaadayo ay markiiba hawada geliyeen inay Israel ogolaan doonto in laga iibiyo dayuuradaha casriga ah ee F-35.

Deeto MW Donald Trump oo wax kasta il ganacsi ku eega ayaa dad ku dhowaa ku yiri: “Maxaa ku jaban waxay haystaan lacagtii haddii ay dalbadaan in yar oo F-35 ah?” Waxaa sidaa ku bilaabmaya maqaal ay qortay Dr Amira Abo el-Fetouh.

Balse waxaa taa si toos ah il gor gor ugu eegeeysey Israel oo waloow ay Imaaraadka xiriir la samaysanayso aan ilaa haatan waxba ka tanaasulin, hanaba ku darin marka ay arrintu tahay mid keenaysa inay dhanka hubka isku fac noqdaan Israel iyo dalalka Carbeed.

Wasiir Dibadeedka Mike Pompeo oo ah difaacaha 1-aad ee danaha Yuhuudda ayaa markiiba lasoo boodey, “Maraykanku waxay sharci doonaan xaqa ay Israel u leedahay inay yeelato fas dhanka tayada ah.”

Waxay tani xaqiijinaysaa wixii aan horay uga sheegay waxa loogu yeero xiriirka Imaaraadka iyo Israel oo kaliya ay fursado istaraatiji ihi ugu jiraan iyada.

Waxay Yuhuudda u ogolaanaysaa inay dagaal kasta u adeegsadaan Imaaraadka min Falastiin, Carabta ilaa Muslimiinta kale sida Turkiga iyo Iiraan, tusaale ahaan. Asaasiyan waa heshiis loo abuuray sidan; wuxuu abuurayaa tiir dhexaad millateri oo u dhexeeya Israel-Imaaraadka, waana halkaa meesha ay halista ugu wayni hullaaban tahay, ayay qortay Dr Amira.

Tiiyoo ay arrintan dayuuradaha F-35 ay wejiga Israel muujisay xilli aanay filayn, misna iyagu ma doonayn inay arrintani caddaato ugu yaraan waqtigan, waayo markii ugu horreeysey waayihiisa ayuu RW Benjamin Netanyahu doonayey inuu isu muujiyo nin adeegsanaya mabda’ ku dhisan “nabad lagu bedelanayo nabad” halka uu caadiyan ku shaqeeyo “nabad lagu bedelanayo dhul”.

Wada hadalka iibka F-35 ayay Imaaraadku bilaabeen 2017-kii si ay Maraykanka uga iibsadaan 2 qaybood oo ah dayuuradahan jiilka 5-aad.

Xilligaas, waxay Imaaraadku kusoo foorjoobeen dagaalka Yaman oo ay wax wayn kaga qaadi waayeen dayuuradaha isla Maraykanka ee F-16 iyo kuwa Faransiiska ee Mirage 2000, iyagoo u gudbiyey liiska hub fara badan oo ay Maraykanka ka doonayeen sida daroonno, hannaannada daafaca cirka, gantaalaha casriga ah ee la hago, iyo hannaan danabeedka wax lagu basaaso.

La soco qayb kale….

Waxaa Qortay: Dr Amira Abo el-Fetouh

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media