Ilhaan Cumar oo kashiftay in si kas ah loo xagal-daacinayo inuu cadaalad helo ninkii jilibka lagu ceejiyey!

0

(Minneapolis, MIN) 30 Maajo 2020 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga hadashay wax ay ku sheegtay cadaalad xumo lagu wajahayo kiiska George Floyd oo uu jilibka ku ceejiyey askari Maraykan ah.

Arrinta Derek Chauvin ayaa si gaabis ah loo wajahey, iyadoo markii hore loo jaray ruqso lacag leh, balse markii ay mudaaharaadyo bilaabmeen shalay uun lasoo xirey, waxaa se weli jirta caga-jiid dhanka cadaaladda ah.

”Floyd waxaa magaaladeenna lagu khaarajiyey maalin cad. Waxay ahayd in dacwadda lagu dhaqsado, waayo cadaalad darro qoto dheeri waxay dhashaa qalalaase bulsho,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo Minneapolis oo laga soo doorto tagtay.

”Nabad ma dalban karno annaga oo aan cadaalad bixinayn, haddii uusan Xeer Ilaaliyaha Degmadu aanu diyaar u ahayn inuu sidaa yeelo, waa in la magacaabaa dacwad ooge madax bannaan oo gaar ah.” ayay raacisay.

Hadalsame Media