XIRIIR XAARAAN AH: Qarreen sheegay inay baarayaan xiriirka ka dhexeeya Juventus, Xiriirka FIGC & Garsoorayaasha Talyaaniga

0

(Roma) 30 Maajo 2020 – Mar uu la hadlayey idaacadda Radio Punto Nuovo, qarreenka Roberto Iacono ayaa sheegay inay heleen “qaab uu u dhisan yahay xiriir ka dhexeeya FIAT, Xiriirka FIGC iyo IAI”, isagoo sheegay inay gacanta ku hayaan gal dacwo oo kasoo kala gaarey dacwad oogaha Napoli iyo midka Roma oo soo gudbiyey dokumentiyo ku saabsan sponsorship ay FIAT siiso FIGC, taasoo keenaysa khilaaf daneed.

Wuxuu sheegay in marka la eego bandhigga Juventus iyo dhacdooyin badan oo markasta dib ugu laabanaysa xiriirka Juventus-FIAT-EXOR-Suuqa saamiyada-FIGC-AIA.

Wuxuu sheegay inaysan dooddu kaliya ahayn mid anshax uun la xiriirta, balse uu qodobka 10-aad ee Xeerka Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee FIGC iyo Jamciyadda Garsoorayaasha AIA, uu si cad u qeexayo waxa la yiraahdo ”khilaafka daneed”.

”Waa iska caddahay in marka ay ku maalgeliso EXOR, oo ah saamileeyda ugu wayn FIAT, FERRARI iyo Juventus, uu jirayo khilaaf daneed. Qiyaas xiriirka ka dhexeeya suuqa saamiyada iyo natiijada isboorti,” ayuu is waydiiyey qarreenka Iacono.

Wuxuu intaa raaciyey inay sir badani jirto oo caqabado iyo turaanturrooyin badan la hor dhigayo, balse ay dacwad oogayaasha waydiisteen in arrintan ”nalka si wanaagsan ugu shidaan.”

Hadalsame Media