”Wuxuu igu dhex toogtey MUSQUSHA!” – Ninkii Floyd jilibka ku diley oo horay u dili gaarey nin kale oo madow ah (Sheeko naxdin leh)

0

(Minneapolis) 29 Maajo 2020 – Askarigii Minneapolis ee jilib uu qoorta ka saaray ku khaarajiyey dhibbane George Floyd ayaa la sheegay inuu horay u dili gaarey nin kale oo madow ah 12 sanadood kahor.

Xaaladda cabsida leh ee muujinaysa in Derek Chauvin uu awood dheeraad ah weligii adeegsan jirey ayaa dusha sare soo martay xilliga geerida George Floyd oo rabshado ka oogtey gudaha Maraykanka, kaddib markii dunida oo idil laga daawaday Chauvin oo qoorta uga fadhiya Floyd oo ku cataabaya ”ma neefsan karo, halkan ayaan ku dhiman doonaa.”

Ira Latrell Toles ayaa haatan sheeko kale soo bandhigay, isagoo sheegay in Chauvin uu gurigooda soo galay, isagoo ku dhex garaacay musqusha kahor intaanu laba xabbo oo af-saar ah ku dhufanin, mar uu ka jawaabatey dagaal qoys 2018-kii.

Toles, 33-jir, ayaa u sheegay Daily Beast inuusan markii hore  Chauvin aqoonsan, balse uu markii dambe gartay wejigiisa markii lasoo bandhigay sawirradiisa, isagoo ka mid ah 4 sarkaal oo loo haysto dilka Floyd.

”Askariga ninkaa diley, malaha waa midkii i toogtey,’ ayuu Toles farriin ugu qoray walaashii.

”Waa isagii.’ ayay markiiba kusoo jawaabtey walaashii.

Floyd
Guriga dilaaga
Ninka uu hadda kahor toogtey ee dili gaarey

Hadalsame Media