Sida loo arkay moowqifka doorashada 2021 ee RW Khayrre (Siyaasiyiin ka fal-celisey)

0

(Muqdisho) 30 Maajo 2020 – RW Xasan Cali Khayrre ayaa shalay caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan doorashada madaxtinnimo ee soo aadan ee 2021, taasoo uu hugun badani sheegayey in aan xilligeeda lagu qaban doonin, tiiyoo aanay XF marna arrintaa ku dhawaaqin.

Haddaba, siyaasiyiin u badan mucaaradka XF ayaa soo dhoweeyey hadalka kasoo baxay RWKheyrre ee u dhigan in doorashadu ay xilligeeda ku dhacayso iyo in ay taasi asaasi u tahay geeddi socodka siyaasadeed ee dalka burburka kasoo kabanaya ee Somalia.

FAL-CELINTA Cabdikariin Xuseen Guuleed

”Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisul Wasaare Xasan Cali Khayrre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed.

”Waxaan Mudane Khayrre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka.

”Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin.” Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug.

FAL-CELINTA Yuusuf Garaad

”Si taxaddar leh ayaan u soo dhoweynayaa soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha ee ah in ay doorasho ay isla oggol yihiin saamaleyda inteeda badan ay ku dhacdo xilligeeda.

”Haddii uu Ra’iisal Wasaaruhu isla soo mutixi lahaa in doorashada dib loo dhigo, ugu yaraan waxaan hubaa in aad loo cambaareyn lahaa.

”Sidaa darteed, waxaan qabaa in ay siyaasiyiintu muujiyaan soo dhoweyn oraahdan Dastuurka waafaqsan ee ah in doorashada la qabto xilligeeda.” ayuu aragtidiisa kusoo koobay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somalia.

FAL-CELINTA: Cali Xaaji Warsame

”Waxaan si qalbi ah usoo dhowaynayaa hadalka RW ee ah in doorashada waqtigeeda la qabto iyada oo la marayo tanaasul iyo wada tashi siyaasadeed.

”Waa damaanad xilligeedii la siinayo shacabka oo ku saabsan in aan dib u dhac iyo kororsi jiraynin. Waxaa lagu xusuusan doonaa sida uu arrintan u meel mariyo isaga oo adeegsanaya wada hadal siyaasadeed oo dhex mara saamileeyda, sida uu yiri.

FAL-CELINTA: Cabdiraxmaan Cabdishakuur

”Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysal wasaare Kheyrre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada.

”Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.” ayuu yiri CCW, Guddoomiyaha xisbiga Wadajir.

Dadwaynaha ayaa sidoo kale aad usoo dhoweeyey warka Madaxa Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia.

Hadalsame Media