ISKA JIR! ”Xarfaanay Xamar JIB waayee” xalkeeda yaa laga rabaa?!! (Soo jeedin)

0

(Muqdisho) 22 Jan 2020 – Kaddib markii la ogaadey inuu Shabaab u qornaa welibana uu weerarro khaarajin ah oo naxariis darro ah Muqdisho ka wadey nin dadku u haysteen macallin cilmi dalabku ka aflaxaan, markale ayaa waxaa soo baxay af kala qaad hor leh.

Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa soo bandhigtay muuqaal muujinaya fannaanka Abshir Gaarane Axmed oo afkiisa ku qiranaya inuu muddo dheer ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Fannaanka ayay yaab leedahay inuu ka mid ahaa kuwa heesaha ”waddaniga ah” ka qaadayey warbaahinta DF, sidoo kalena isagoo ilmo yaxaas qubaya dadka tusayey inuu xusayo dadkii lagu xasuuqay qaraxii abid ugu waynaa ee loola bareero dad rayid ah, oo ahaa midkii Soobbe.

NISA ayaa boggeeda Twitter-ka kusoo qortay sidatan:

”Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka.”

Shakiga ah inay jiraan dad ay qaarna is qariyaan isla markaana qaarkood ku jiraan ubucda iyo xayndaabka hoose ee xitaa DF, qaarna ku saan tirtaan arrimo kale sida mucaaradad, balse gebigood qayb ka yihiin howlaha argagixinta, boobka, burburinta danohooda iyo laynta dadka aan waxba galabsan, ayaa waxay aad usii laxaadsatey markii maalin cad xuddunta Xarunta Xamar lagu qarxiyey Guddoonkii hore ee Gobolka Banaadir, Inj. Yariisoow.

Sirdoonka Qaranka ee NISA oo lafteeda farta lagu godo ayaa iminka muujinaysa dadaallo kooban oo sirdoonnimo kaddib hurdo iyo howl yari muddo dheer soo jiitamaysey.

Yeelkeede, weli si ku filan loogama jawaabin su’aalo badan oo ka dhashay qarax ama weerar kasta oo dhaca, sida tusaale, sababta uu gaari qarax sidaa kusoo dhaafi karo isbaarooyinka faraha badan ee wax lagu baaro, iyadoo aysan qarsoodi ahayn in si kas ah loosoo gudbiyo, taasoo ay samaynayaan isla qaar ka mid ah afraadda u xil saaran amaanka.

Hadda iyo dan, waxaa waajib ku ah hannaanka Sirdoon ee DF Somalia, inay arrintan wax ka qabtaan, waayo waa ku ceeb in maliishiyaad ka Sirdoon iyo farsamo bataan, iyagoo sheeganaya Dowlad dal dhan maamusha ama ugu yaraan maamuli rabta.

Dad badan ayaa soo jeedinaya in iyadoo la taageeranayo awoodda shacabka caalwaysan la sameeyo ciidamo madani ah oo xaafad xaafad ula socda arrimaha amaanka iyo wixii kusoo kordha iyo in si daacad ah loo baaro gawaarida soo marta isbaarooyinka ilka la’aanta ah ee gawaarida lagu shaxaado halkii lagu baari lahaa.

Sidoo kale, DF Somalia ayaa loosoo jeediyay inay keensato qalab lagu xiro meelaha wax lagu baaro oo elektaroonig ah, kaasoo si hordhac ah usii sheegaya markii uu qarax usoo jirsado 200 mitir iwm.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media