DAAWO: Fannaan qirtay inuu Al Shabaab u shaqeeyo (Qiraalkiisa & qoraalka NISA)

0

(Muqdisho) 21 Jan 2020 – Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa soo bandhigtay muuqaal muujinaya fannaanka Abshir Gaarane Axmed oo afkiisa ku qiranaya inuu muddo dheer ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa boggeeda Twitter-ka kusoo qortay sidatan:

”Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka.”

Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab ayaa isna yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fannaan, waxaan ka shaqeynayey Gobolka Banaadir, qaybtiisa fanka iyo suugaanta, Al Shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka  maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.”

Arrintan ayay dad badani aad ula yaabban yihiin, iyadoo ay dadka qaar is waydiinayaan waxa Al Shabaab u geeyay inay fannaan adeegsato, maadaama ay sheegtaan inay yihiin ”urur diimeed u taagan ku dhaqanka diinta Islaamka.”

Hadalsame Media