Somalia, Turkiga & Qadar oo kulan xasaasi ah yeeshay + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Jan 2020 – RW Somalia, mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Danjireyaasha Turkiga iyo Qadar oo uu wehlinayey maamulaha Shirkadda Enez.

Waxaa kulankan oo ay sidoo kale fadhiyeen Taliyeyaasha Booliiska iyo Xoogga Dalka oo uu wehlinayo Taliyaha Booliiska Gobalka Banaadir, aad loogu jeex jeexay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya.

Waxaa la isku raacay in argagaxisada bilaa ujeedada ihi aysan hor-joogsan karin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

RW Khayrre ayaa madaxda ciidamada kulanka fadhiyey ku tirtirsiiyay inay keenaan kaartada ugu habboon ee lagu xaqiin karo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha waddada oo asaasi u ah isu socodka bulshada, ganacsiga iyo  xitaa qabka DF.

Danjireyaasha Turkiga iyo Qadar ayaa iyaguna RW Khayrre ku amaanay sida uu xil adag iskaga saarayo amaanka shaqaalaha wada dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo ah mashruuca haatan ugu wayn ee dib-u-dhis ee dalka ka socda.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Qadar ayaa waxaa qandaraas ku qaadatay hay’adda Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo laba jeer la weeraray, iyadoo ay dad badani ka caroodeen in la weeraro jid la dhisayo.

Waa markii 2-aad oo muddo 2 maalmood gudohood ah uu RW Khayrre la kulmo Seracettin Aksun oo ah Guddoonka sharikadda Enez, taasoo muujinaysa sida ay DF iminka diiradda u saarayso amaanka shaqaalaha dhismaha wada, taasoo awal lagu dhaliilay inay ka seexdeen.

Hadalsame Media