Sucuudiga oo si uu Turkiga ugu xumeeyo u taageeray maamul halis ku ah danaha dad Muslimiin ah!

0

(Riyaad) 21 Jan 2020 – Wasiir Dibadeedka Sucuudiga, Amiir Faisal bin Farhan al-Saud ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin Qubrus qaybta Giriigga, kaddib markii uu la kulmay Wasiir Dibadeedka Giriigga Qubrus, Nikos Christodoulides.

Warqaadka maalinlaha ah ee kasoo baxa Giriigga Qubrus ee Politis oo soo xiganaya Wasiirka Sucuudiga ayaa qoray sidatan:

“Saudi Arabia waxay si taxaddar leh ula socotaa waxyaabaha kasoo cusboonaaday Barigga Badda Dhexe, waxayna iyadoo ka walaacsan amaanka gobolku ay si buuxda u taageeraysaa madax bannaanida Giriigga Qubrus.”

Turkiga oo isagu taageera qaybta Turkiyiinta woqooyiga Qubrusey (TRNC), ayaa dhowaanahanba baaris shidaal ka wadey Bariga Badda Dhexe, gaar ahaan labada markab shidaal qode ee Fatih iyo Yavuz, oo ay wehliyaan Oruç Reis iyo Barbaros Hayrettin Paşa oo isla gobolkaa ku sugan.

Turkiga ayaa aalaaba diida inay Giriigga Qubrus ay kaligood shidaal ka baaraan badda ku hareeraysan jasiiraddan, iyadoo ku dooda inay Turkiyiinta Qubrusna khayraadka xaq ku leeyihiin.

Qubrus ayaa u qaybsan laba qaybood, kaddib dagaalkii 1974-kii ka bilowday gasiiraddaasi, oo uu Giriiggu isku dayey inuu gebi ahaanba dalkiisa ku darsado.

Dadka u dhuun daloola siyaasadaha maamullada Khaliijka ayaa dareensan inay dabaqaan siyaasado ku dhisan xintan iyo ku xumayn ka dhan ah dalalka kale ee Muslimka iyo guud ahaan danohooda.

Hadalsame Media