Maxamed Bin Salmaan oo la sheegay inuu jabsaday telefoonka milkiilaha Amazon (Reer Galbeedka oo ka walaacsan)

0

(Riyaad) 20 Jan 2020 – Bilyaneerka iska leh suuq-danabeedka Amazon ee Jeff Bezos ayaa sheegay in uu 2018-kii telefoonkiisa “jabsaday” dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, sida uu qoray the Guardian.

Fayl beleeysan oo laga soo diray telefoonka Mohammed bin Salman oo WhatsApp lasoo mariyey ayaa la sheegay in lagu jabsaday telefoonka ninkan taajirka ah, sida ka muuqata baaritaan danabeed la sameeyay.

Baaritaanka ayaa sheegaya in ixtimaal ahaan “aad looga yaabo” in jabsiga xogta ku jirta telefoonka bilyaneerka uu sababay, fayl muuqaal ah oo laga soo diray telefoonka MBS loona diray Bezos, milkiilaha Washington Post.

Labada nin ayaa la sheegay inay saaxiib ku ahaayeen aaladda WhatsApp, halkaasoo faylka loogu diray 1-dii Maajo 2018-kii, sida uu xaqiijiyey nin diidey inuu is barroxo.

Arrintan uu ku eedaysan yahay MBS, boqorka Mustaqbalka ee Sucuudiga, ayaa moowjado naxdin leh u diraysa maalqabeennada Wall Street ilaa Silicon Valley ee dalka Maraykanka.

Waxaa kale oo ay wiiqaysaa isku dayga “MBS” – sida magaciisa loosoo gaabiyo – ee ah inuu dad badan oo reer Galbeed ah ku qanciyo maalgashiga Saudi Arabia, halkaasoo uu beryahan ka wadey wax lagu sheegay isbedello, balse u ekaa dhaqan doorin cusub oo lagu daray diktatooriyad.

Hadalsame Media