MUCAARADKA: ”Waxaan soo dhowaynaynaa in ay Kenya jebisey xayiraaddii ”HAWADA FARMAAJO!”

0

(Kismaayo) 06 Okt 2019 – Waxaa shalay magaalada Kismaayo ka degtey dayuurad siddey wefdi ay ka mid ahaayeen madaxdii hore ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasoo la sheegay inay ka qayb gelayaan caleemo saar uu samaysanayo Axmed Madoobe.

Dayuuraddan oo uu nooceedu yahay Fokker 50, taasoo Kenya uga diiwaan gashan 5Y-JXK, ayaa haybteeda saxda ah qarisay ayaa la sheegay inay adeegsatey shatiga Jubba Airways, gaar ahaan waxa loo yaqaanno Shahaadada Howlgalka Hawada (Air Operating Certificate ama AOC).

Dayuuraddan oo shatigeeda qarisay ayaa waxaa gudaha Somalia kusoo fasaxay tiirka koontoroolka hawada Kenya, iyadoo aan Somalia la wargelin, taasoo ah xadgudub ka dhan ah madax bannaanida Somalia.

Yeelkeede, rag badan oo mucaarad ah oo ay ku jiraan qaar xitaa ku jira Baarlamankii u doodi lahaa danaha dalka iyo rag sheeganaya inay xilal qaran iyo kuwo gobol soo qabteen ayaa u guuxey tillaabadan Kenya ee lagula tumanayo qarannimada Somalia.

Raggaa badankood waxay moodayaan inay wax ka hallaabayaan rag haatan xilal haya oo berriba iska tegi doona, taasoo warkooda u tarjumaysa inay la tahay in ay raggaasi leeyihiin hawada Somalia ee aanay ahayn hanti qaran oo u baahan dhowris, waayo si kasta oo maxalli ahaan loo kala aragti duwan yahay, waa inoo jiraa mabda’ qaran oo ay tahay inuu siyaasigu xambaarsan yahay si kasta oo uu mucaarad u yahay.

Tan kale, siyaasiyiinta badankood waxay mucaaradnimadiiba u fahmeen inay tahay diid wax kasta oo ay dowladda markaa jirtaa ku dhaqaaqdo, lana safo cid kasta oo ay is hayaan, marar badan waxaad arkaysaa in mucaaradka oo taageeraya ARRIN SHARCI DARRO AH UU KU DOODO IN SHARCI LA JEBIYAY, taasina maaha sida ay mucaaradnimada moowduuciga ihi u shaqayso.

Taa biddaalkeeda, waa inaad keentaa wax loo qaateen ah oo ay dowladdu ku khaldan tahay, sida ugu habboon ee loo sixi karo, iyo sidoo kale in mucaaradka laga dareemo inay lax-jeclo ka hayso waaritaanka iyo guulaysiga danta umadda.

Ugu dambayn, waxay ku fiicnayd inaad ogaataan in aan hawada Farmaajo lahayn, tan kale maadaama goor dhow lasoo wareejiyay in doodaha heerkan gaarsiisan ee siyaasadaysan laga daba qaato lafteedu waxay muujinaysaa mas’uuliyad iyo taxaddar xumo aan dan laga lahayn muhiimadda ay leedahay inay Somalia dib u hesho qayb ka mid ah madax bannaanideeda.

Tan kale, mucaaradka ka caroonaya in dayuurad u socota degmo dalka ka tirsan dalku ay sii marto caasimaddii dalka, taasoo si kastaba KMG ah, misna aan juuq ka dhihin midka ay Kenya dadka ku caddibayso ee Wajeer lasii marayo, isla markaana taageeraya in ay Kenya iskasoo gasho hawada Somalia, mucaaradka uu yahay noocaasi dadka halloo fasiro wax horay loo arkay ama caalamka ka shaqeeya ma ahane.

FG: Ma aha inaan leeyahay madaxda sare waa ku saxan yihiin go’aan kasta, ama waa khalad in la mucaarado, weliba tillaabooyin badan kuma raacsani, balse wax kasta waxay leeyihiin xad iyo xayndaab aysan dhaafi karin, oo waxaa jirta dood qaran iyo mid caalami ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media