Imaaraadka oo ay kusoo baxday FADEEXAD culus & baaris ku socota (Malaayiin uu siiyay xisbi Islaamka neceb)

0

(Paris) 06 Okt 2019 – Waxaa qaraxday fadeexad weyn oo ah in dalka Imaaraadku maalgaliyay xisbiga Faransiiska ee National Rally (National Front) doorashadii madaxnimada Faransiiska ee sannadkii 2017.

Xisbigaas oo ah xagjir bani aadanka neceb, siiba Muslinka, in yar ka hor doorashada.

Wax uu qarka u saarnaa in uu masallufo lacag la’aanta darteed. Laakiin Imaaraadka ayaa si qarsoodi ah u la gurmaday 8 milyan oo Euro taas oo uu doorashada ku galay.

Garsoorka Faransiisku baadhitaan weyn buu ku wadaa falkaas oo ah faragelin shisheeye, maydhaamid lacag sharci darro ah iyo ku xadgudbid dastuurka dalka.

Wax aad is wayddiinaysaa, maxay Imaaraadku dembigaa u galeen, maxay se u badbaadiyeen xisbigaa xagjirka ah ee bani aadanka neceb, siiba Muslinka? Jawaabtu waa in Imaaraadka iyo Sacuudigu dunida meel walba ka wadaan xoojinta awoodaha neceb dimuqraadiyadda iyo xorriyadda, is la markaa cabbudhinta Muslinka.

Intii itaalkood ah wax ay la dagaallamayaan aydoolojiyad kasta oo liddi ku ah addoonsiga ay iyagu ku dhisan yihiin.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd-Yuusuf

Hadalsame Media

Facebook Comments