XOG SHIILAN: Yaa iska lahaa, yaa soo fasaxay, aqoonsigee kusoo gashay hawada? (Tillaabooyinka ay qaadi karto DF Somalia)

0

(Kismaayo) 05 Okt 2019 – Waxaa magaalada Kismaayo ka degtey dayuurad siddey wefdi ay ka mid ahaayeen madaxdii hore ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasoo la sheegay inay ka qayb gelayaan caleemo saar uu samaysanayo Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa kusoo beegantay jeer ay DF Somalia ay soo rogtey amar ah in dayuuradaha Kismaayo aadayaa ay soo maraan magaalada Muqdisho, taasoo ka dambaysey doorashadiii muranka dhalisay ee Jubbaland.

Dayuuraddan oo uu nooceedu yahay Fokker 50, taasoo Kenya uga diiwaan gashan 5Y-JXK, ayaa haybteeda saxda ah qarisay ayaa la sheegay inay adeegsatey shatiga Jubba Airways, gaar ahaan waxa loo yaqaanno Shahaadada Howlgalka Hawada (Air Operating Certificate ama AOC).

Wararka qaar ayaa sheegaya inay dayuuraddani tahay mid u ijaarnayd siyaasiga Caddoow Cali Gees, waloow ay wararka qaar sheegayaan in uu maamulka Axmed Madoobe sheegtay inuu isagu soo iibsadey, taasoo aan xilligan suurtagal ahayn.

Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee Kenyan Civil Aviation Authority (KCAA) ayaa haatan ku eedaysan inay dayuuraddan u jartay waxa loo yaqaanno notice to airmen (NOTAM) oo ah u fasixidda dayuuradda ee hawada ama ka joojinteeda, hadii ay halisi jirto, iyadoo aan la xiriirin dhiggeeda Somalia ee SCAA.

Si kale haddii loo dhigo, waa sida dayuurad kasoo duushay Muqdisho oo Mombasa ka degtey iyadoo aan waxba ogaysiin koontoroolka hawada Kenya.

Arrintani waa halis, waayo Kenya waxay sidaa yeeshay iyadoo aan arrintan ogaysiinin tiirka laga xukumo hawada Somalia (Control Tower) ee magaalada Muqdisho, taasoo meel ka dhac ku ah madax bannaanida geyi ee Somalia.

Warar ku dhow dhow DF Somalia, gaar ahaan Wasaaradda Duulista ayaa Hadalsame Media u sheegay inay Somalia tillaabooyin qaadayso, kuwaasoo ay ku jiraan qaar haatan sheegaya in la kansalay shatigii duullimaad ee Jubba Airways oo ah dayuuradda shahaadadeeda la isticmaalay, waloow aynaan warkaa si buuxda u xaqiijin karin weli.

Waxaa kale oo ka mid noqon kara in muddo 7-aad ah gebi ahaanba la joojiyo jaadka ka yimaada Kenya ama xitaa duullimaadyada rayidka ah ee isku xira labada dal.

Sidoo kale DF Somalia ayay dhici kartaa in haddii ay caddaato inay Kenya arrintan door ka ciyaartay, in lagu ashtakeeyo QM maadaama ay soo faragelisey arrimaha gudaha Somalia, iyo in sidoo kale lagu dacweeyo Jamciyadda Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee The International Air Transport Association (IATA).

Hadalsame Media