Ilmaha AABOHOOD waqti la qaata oo la sheegay inay ka AQLI badan yihiin kuwa kale (Daraasad)

0

(London) 05 Okt 2019 – Inuu aabbuhu ku lug yeesho korriimada ilmaha xilliyada hore ee noloshiisa ayaa la sheegay inay aad ugu fiican tahay ilmaha, sida ku cad daraasad cusub.

Aqoonyahan ka tirsan jaamacadda University of Newcastle, oo daraasaddan sameeyay ayaa sidoo kale ogaadey in raggu ay dareen badan siiyaan wiilashooda marka la barbardhigo gabdhaha.

Daraasadda ayaa ka digaysa inaan loo qaadan inay ku filan tahay oo qura inay waalidku wada nool yihiin, balse aad loogu baahan yahay inuu aabbuhu door ka qaato nolosha ilmaha, taasoo anfacaysa korriimadooda dhanka garaadka.

Daraasaddan oo waraysatay in ka badan 11,000 oo rag iyo haween Ingiriis ah oo dhashay 1958-kii, ayaa waydiiyay waqtiga uu aabbuhu ilmaha la qaatay sida wax akhrinta, bixinta iyo guud ahaan waqtiyada la isla qaato.

Warbixinta oo lagu daabacay majaladda Evolution and Human Behaviour, ayaa muujinaysa in carruurta ay waalidkood waqti badan geliyeen ay ka garaad (IQ) sarreeyaan kana bulshaawisan yihiin kuwa aan waqti badan la siinin, iyadoo farqiga la dareemo ilaa 42-jir.

Dr Daniel Nettle, oo daraasadda hor kacayay, ayaa sheegay in saamaynta arrintani aanay ilmaha ka haraynin abidkood, halka Jon Davies, oo ah Xoghayaha Guud ee jamciyadda Families Need Fathers, uu sheegay in daraasaadkan oo kale ay muujinayaan, sida ay asaasi u tahay inay ilmuhu ku koraan guri ay wada joogaan aabbe iyo hooyo is kabaya oo iskaashanaya, isagoo dowladaha u jeediyay inay joojiyaan dhiirri gelinta furriinka.

Hadalsame Media