Doorka Sir-doonkii Soofyeetka ee KGB-du ku lahaayeen af-gembigii dowladdii rayidka ahayd ee Somalia (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2019 – Soomaaliya dowlad yar ayay ahayd, taas oo aanan weli qaan-gaar noqon. Siyaasiyiinta dowladda, ma ayan fahmi karin danaha ay xoogagga waa-wayn ka leeyihiin iyo wax-yaabaha ay ka damacsan yihiin midkoodna. Halkan ka akhri qaybtii 1-aad

Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ahaa nin wadaad ah oo dariiqadii u xoogga wayneed culimada diinka waa dariiqada qaadiriyada ee ay jeclaayeen.

Wuxuu ahaa nin aqoon-yahan ah oo dabaqadda aqoon-yahanku ay jeclaayeen. Wuxuu ahaa nin xiriir wanaagsan la-lahaa dhamaan duqeyda beelaha Soomaaliyeed. Isla-markaas wuxuu astaan u noqday aragtida qowmiyadeed ee bulshada Soomaaliyeed.

Laakiin, isaga iyo masuuliintii ay saaxiibada ahaayeen waxayan garan waayeen khaladka lagu dilay oo ahaa, iyada oo meel-walba oo Soomaaliya kamid ah uu yaal abuur ay Soofyeetigu tallaashey, in dowladdii uu waayeelka ka ahaa ay mar qura u jahooto dhanka reer galbeedka. Marar badan ayaa loo sheegey in la dilayo, misana wuxuu diiday in ilaalo dheeri ah ay la socoto ama waajibaadkiisa uu uga baaqdo amni-darro darteed.

Cabdi-raxmaan Kaba-wayne oo ahaa xoghayntiisii wuxuu inoo sheegey, Cabdi-rashiid in uu oran jiray:
“ Intii la oran lahaa dadkiisii ayuu cunay, ha la yiraahdo dadkiisii ayaa cunay.”

Waxaa jiray nin odey ah oo Cabdi-rashiid adeer u ahaa oo la yiraahdo Cali Aaden Ciye. Xilligaas booqaho ayuu ku yimid Xamar. Goor uu isu-diyaariyay in uu ku laabto gobolkii uu ka yimid, ayuu wuxuu tiriyay gabay afar beyt ah oo uu ku tilmaamayo waxa laga filayo siyaasaddii xiligaa Xamar tiil.

Cali Aadan wuxuu tixdiisaas gabayga ah ku yiri:

Haddaan woodkan woodkiisa kale weyda lagu raagin
Nin wanaagsanaan jiray hadduu midab waraaboobin
Ninkii wiil ahaan jirey hadduu waabta ka adeegin
Meeshiyo Wareegsane haddaan Galowgu wiireynin.

Goortii la weydiiyay sababta uu gabayga u dhamaystiri-waayay, wuxuu ku jawaabay, haddii doorashada danbe ay nabad ku dhacdo, cimrina aan ku gaaro, markaas ayaan dhamaystirayaa.

Cali Aadan wuxuu dhintay sanad kaddib, doorashona ma dhicin oo saraakiishii ayaa talada la wareegey Bishii Oktobar 21-kedii Sannadkii 1969-kii, sidaas ayuusan gabaygii ku dhamaystirmin.

Waxaa Diyaariyay: Dr. Saadiq Eenow

Hadalsame Media