DAAWO: Golaha Amaanka QM oo ka shirtay Somalia (Doorashada 2020 oo laga hadlay)

0

(New York) 22 Agoosto 2019 – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaybsan Somalia, Mr. James Swan oo Golaha Amaanka ee QM uga warramay xaaladihii ugu dambeeyay ee Somalia.

Wuxuu tusmeeyay wax ku oolnimada iskaashiga QM, Beesha Caalamka, Ciidamada Xoogga Dalka, AMISOM iyo doorka ay ka qaadatay in kooxda Shabaab dib looga saaro magaalooyin ku yaala Sh. Hoose, balse wuxuu sheegay in weerarro argagixiso ay weli dhici karaan, isagoo daliishadey weerarkii 24-kii Luulyo lagu qaaday Xarunta Xamar oo ay ku dhinteen Guddoonkii Gobolka Banaadir iyo madax kale.

Doorashada Somalia ee 20202

Mr. Swan ayaa sheegay in doorashada dhexe ee soo socotaa ay tahay ”fursad horay loogu dhaqaajin karo dimoqraadiyadda dalka Somalia” isagoo sheegay in la diyaarinayo inay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, isla markaana gacanta lagu hayo sharci doorasho qabyo ah, wuxuu kaloo soo jeediyay in la xoojiyo qoondada haweenka isla markaana ay DF Somalia diyaariso ciidamo ilaaliya amaanka doorashada.

Wuxuu Swan walaac ka muujiyay doorashada Jubbaland maanta oo Khamiis ah, taasoo uu sheegay in haddii lagu hardamo ay wax u dhimi doonto amaanka, taasoo aan kaliya ku ekaan doonin Jubbaland, balse saamayn karta Somalia oo idil, taasoo ay ku jirto diyaarinta Doorashada 2020.

Horumarka dhaqaalaha iyo xasaradaha aadminnimo ee soconaya

Marka la eego dhanka horumarka dhaqaale ee Somalia, Mr. Swan wuxuu xusay in DF Somalia “ay horumar wayn” ka sameeysay hab-maamulka dhaqaale iyo hagaajintiisa, taasoo Somalia ku toosinaysa dhabbihii soo kabashada dhaqaale, sida uu yiri.

Yeelkeede, waxaa horumarkaa daba socda dhibaato aadminnimo, iyadoo ay Somalia ka mid tahay meelaha ugu nugul macluusha soo noqnoqonaysa. Ilaa 2.2 milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya hubaal la’aan cunto, halka 2.6 oo gudaha dalka ku barakacay ay ku sugan yihiin xaalad aan wanaagsanayn.

Dhibaatooyinka jinsi ee ka dhanka ah haweenka

Pramila Patten, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee QM ugu qaybsan meel ka dhacyada jinsiga ah ee ka dhaca goobaha dagaallada, ayaa iyaduna Golaha Amaanka uga war bixisay wixii ay kusoo aragtay Somalia oo ay booqatay bishii Luulyo.

Ms. Patten ayaa sheegtay in haween iyo gabdho ay ku nool yihiin xaalad cabsi ah, iyadoo “dhibanayaal badan aan la arki karin ama aan loo geli karin”, maadaama aanu jirin nidaam cadaaladeed si caadi ah u shaqaynaya oo loo dacwoodo, taasoo keenaysa in ugaarsadayaasha jinsigu ay ka faa’iidaystaan hannaanka cadaaladeed ee daciifka ah.

 

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media