Doorka Sir-doonkii Soofyeetka ee KGB-du ku lahaayeen af-gembigii dowladdii rayidka ahayd ee Somalia (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2019 – Nin la oran jirey Vasili Mitrokhin oo dhashay Bishii Maarso 3-deedii Sannadkii 1922-kii Geeriyoodayna Bishii January 23-kedii Sannadkii 2004 kaas oo u dhashay dalka Ruushka ayaa wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada sir-doonka Soofyeetiga ee Ruushka (KGB).

Sannadkii 1991-kii ayuuna ka soo baxsaday dalka Ruushka oo uu yimid wadanka Ingiriiska, isaga oo magan-gelyo siyaasadeed doonaya.

Ninkani wuxuu la soo baxsaday xogo sirdoon oo qoraalkoodu uu ka kooban yahay 25,000 oo safxadood, taas oo ay ku urursan yihiin xogo sir ah oo uu ururinayay tan iyo sannadihii 1930-aadkii. Xogahaas dhamaan wuxuu ku wareejiyay hay´adda sir-doonka Ingiriiska ee M-16.

Qoraalladaas waxay ka mid noqdeen xogaha ugu muhimsan oo sir-doonka reer Galbeedka gacantooda galay, kuwaas oo KGB-da laga heley markii ay dowladdii Midowga Soofyeeti ay bur-burtay.

Goortii ay soo shaac baxeen xogaha qoraalladan, dowlado badan ayaa durba la xiriiray dowladda Ingiriiska oo ka codsaday in ay la wadaagaan ogaalladaas.

Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay ka helaan xogo la xiriira arimahooda dowladeed iyo wax fara-gelin ah oo Midowga Soofyeeti dhankiisa kaga timid muddadii uu socday Dagaalkii Qaboobaa. In-kasta oo dowladdii Ingiriiska ayan marna la bakhaylin ogaalladii, misana goor-danbe si buuxa ayay u soo bandhigtay.

Sannadkii 2005-tii, taariikh-yahan macallin ka ah Cambridge University oo la yiraahdo Christopher Andrew ayaa buug ka qoray ogaallada laga heley sarkaalkan Soofyeetiga ah. Buugga waxaa la yiraahdaa (The World Was Going Our Way: The KGB And The Battle For Third World).

Xogta qoraalladaas ku soo baxay waxaa kamid ah ereyo ay sir-doonka Soofyeetiga is-dhaafsanayaan oo ku saabsan qaabka loo af-gembiyo dowladaha dunida saddexaad. Waxay tilmaameen in ay u baahan tahay laba arimood oo keliya.

Waxay kala yihiin qaar kamid ah saraakiisha oo la kiciyo iyo idaacadda oo la qabsado. Xiriirka ay lahaayeen dowladdii Midowga Soofyeeti iyo af-gembigii Soomaaliya ka dhacay, wuxuu ku xusan yahay qayb kamid ah xogtii lagu soo bandhigay buuggaas.

Xogtu waxay sheegeysaa, dowladdii Midowga Soofyeeti, in ay ahayd mid la socotey howl-gallada af-gembigii lagu inqilaabay dowladdii Soomaaliya. Magaca sirta ah oo KGB-da ay u bixisay howl-galka af-gembigaas wuxuu ahaa (Operation Concord).

Xogta laga heley ninka sirdoonka Ruushka ka tirsanaa ee Vasili Mitrokhin, waxaa kaloo ay xaggeena ka xusaysaa laba sarkaal oo kamid noqday Golihii Sare ee Kacaanka in ay ahaayeen ragga loo tababaray, isla-markaana ay wada-shaqayn ka dhexeysey sir-doonka Midowga Soofyeeti ee KGB-da.

La soco qayb kale…..

Waxaa Diyaariyay: Dr Saadaq Eenoow

Hadalsame Media