DAWO DILAA AH: Dawo dhacday oo fara ba’an ku haysa dalal ay Somalia ka mid tahay, WHO

0

(Geneva) 21 Agoosto 2019 – Dawada aan tayada laheyn – Sida ay sheegtay heyada caafimaadka aduunka ee WHO sanadkii 2017 dawada aan tayada laheyn ama been abuurka ah ay dhibaato wayn ku tahay dunida oo idil gaar ahaan wadamada soo koraya.

Warbixintaas oo lagu saleeyay baaritaano ay heyadu ka sameeysay 88 dal ayaa lagu sheegay in tobankii dawo ay mid been abuur tahay ama tayadii la rabay aanay ahayn wadamada soo koraya.

Dawada la been abuur ama tayadeedu liidato ayaa waxaa ka mid ah kuwa dhalmada lagu xakameeyo, sharoobooyinka qufaca ee caruurta iyo dawada duumada loo isticmaalo.

Dalka Pakistan oo ka mid ah meelaha farta lagu fiiqo in lagu sameeyo dawada liidata islamarkaana soomaaliya ay dawada uga timaado ayaa waxaa sanadkii 2011 u dhintay dawo ay qaateen 200 oo qof.

Wadamada ka hooseeyo saxaraha oo ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan cudurka dhilmaayada ayaa WHO sheegtay in dawada aan saxda ahayn ay qeyb ku leedahay waxyeelada duumada.

Hadaba ma isleedahay dawada dalkeena ee laga keeno meelo ay ka mid yihiin India iyo Pakistan waxaa dhici karta in ay tayo ahaan liitaan?

Dalkeenna Somalia ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay faraha ba’an ku hayso dawada dhacday ama tayo ahaanta dilan, maadaama aanu jirin nidaamkii taya-dhowrka oo si saaxi ah u shaqaynaya.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media