QAMUUNYO! ”Weligeey FARXAD dambe ma arki doono!” – Ninkii arooskiisa la qarxiyay oo waraysi xanuun badan bixiyay!!

0

(Kapul) 21 Agoosto 2019 – Ninkii Caruuska ahaa ee Sabtidii xafladdii Arooskiisa qaraxa lala eegtay ay ku dhinteen 63 qofood tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen ayaa wareysi lala yeeshay, waxa uu kaga warramay dhibaatadii dhacday.

Mirwais Elmi oo u dhashay waddanka Afghanistan ayaa wareysi siiyay TOLOnews waxa uu ku sheegay in qarrixii is miidaaminta ahaa ee Sabtidii xafladdii arooskiisa lala eegtay uu ahaa mid illaa iyo hadda ay fasiraad u la’yihiin, isla markaana qoyskiisa iyo qoyska xaaskiisaba ay weli anfariirsan yihiin.

“Dhibaataa dhacday, walaalkeey ayaa ku dhintay, asxaabteydii ayaan ku waayay, qaraabadaydii ayaa ku dhamaatay, weligeey dambe farxad ma arki doono” ayuu yiri Mirwais.

Qaraabada qoyska Caruuska ee halkaa ku dhimatay waxay gaarayeen 14 ruux, waxaana sidoo kale dadka dhaawacmay oo 200 gaarayay ku jiray carruur.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hotel si weyn farxadi uga socotay oo mar qura isu beddelay meydad meel walba waran markii uu naftii hure isku qarxiyay.

Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani ayaa ka tacsiyeeyay musiibadaasi naxdinta leh ee ay mas’uuliyaddeeda sheegteen ISIS.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media