XOG: Baarlamanka Somalia oo mooshin ka keenaya dowladda Kenya

0

(Muqdisho) 21 Agoosto 2019 – Wararka aannu Muqdisho ka heleeyno ayaa tibaaxaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Dhexe ee Federaalka Somalia ay gacanta ku hayaan mooshin culus oo ka dhan ah Ciidamada Kenya xoogga kusoo galay howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Mooshinkan oo Baarlamanku ka doodi doono maalmaha yar ee soo aaddan marka uu furmo Kal-fadhiga 7-aad, haddii ay wax kastaahi u dhacaan sida loo qoondeeyay, ayuu ujeedkiisa wayn yahay in Ciidamada KDF guud ahaanba dalka laga saaro, maadaama ay la yimaadeen siyaasad ka dhan ah Soamlia, taasoo ka horjeedda sharciyadda ay dalka ku joogaan oo ku dhisan dhex dhexaadnimo iyo nabad ilaalin, sida ay sheegeen Xil-dhibaanno ka tirsan Baarlamanka.

Mooshinkan ayaa dhanka kale lagaga dabaaqayaa mooshin kale oo beri dhowayd la hor geeyay Baarlamaanka Kenya kaasoo xukuumadda Nairobi lagu faray inay ciidamo gayso dhul-badeedka ay sheegato inay kula ”muransan tahay” Somalia.

Kenya oo siyaasad hujuumi ah ku qaadday Somalia bilihii dambe, ayaa iminka si wayn faragelin ugu samaynaysa doorashada Jubbaland oo aad loogu muransan yahay, iyadoo ka shaqaysay in maamulka Jubbaland ay ka hor keento DF Somalia.

Dowladda Kenya ayaa warqad dorraad ka soo baxday Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda balse shalay la shaaciyay ku sheegtay in ay ka walaacsan tahay qoraalkii dhowaan ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyadoo sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay in lagala tashado doorashada Jubbaland, taasoo loo qaatay dhaqaaq ka dhan ah madax bannaanida dalka.

Hadalsame Media