SIR CULUS: Weriye soo ogaadey in ay canaasiir CUNSURI ihi ku dhex milan yihiin Ciidamada Canada + Video (Tababarro ay sameeyaan)

0

(Beausejour, MAN) 22 Agoosto 2019 – Ciidamada Xoogga Canada ayaa qiimaynaya inay baaritaan ku sameeyay ciidamadooda ay ku dhex jiraan Caddaanka isir u dirirka ah ee loo yaqaan neo-Nazi-ga — kaddib markii uu arrintan daba-gal ku sameeyay weriye ka tirsan Winnipeg Free Press oo la yiraahdo Ryan Thorpe.

Laba Alifle. Patrik Mathews, 26-jir, oo ah nin u tababaran Injineer dagaal, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu tababarayay xubno ka tirsan argagixisadan u dagaallama dadka caddaanka ah oo caalami ah, kuwaasoo la yiraahdo The Base.

Booliiska Federaalka Canada ee loo yaqaanno Mounties ayaa markiiba barwo soo jaray iyagoo habeennimadii Isniintii nin kasoo qabtay Beausejour, oo ka tirsan gobolka Manitoba, kaasoo ay dersaantu CBC News u sheegeen inuu ka mid yahay kooxda Mathews.

Ciidamada Booliiska Federaalka Canada (RCMP) ayaa sheegay inay baareen guri kale oo ku yaalla Beausejour iyagoo lasoo wareegey hub fara badan, balse halkaa qofna kuma soo qaban.

Thorpe, oo ah weriyaha kashifay kooxda tababarka qarsoodiga ah waddey ee The Base, ayaa u sheegay gabadha qabata barnaamijka As It Happens ee Helen in sababta uu kooxdan u xiiseeyay ay tahay markii ay Winnipeg Free Press ay mar qura heleen boostar lagu arkay meel ka tirsan magaalada oo muujinaya arrintan.

There was a couple of different ways that we could go about it, but ultimately we decided the only real way to get a sense of what this group is up to in Winnipeg and around Canada was for me to reach out as someone posing as a white nationalist interested in joining.

Sidee ula xiriiriey?

Waxay ku bilaabatay e-maillo ay is dhaafsadeen, waxaana markii dambe lagu casuumey in soo degsado (download) app la isku dhaafsado farriimo baaq ah (encrypted) oo la yiraahdo Wire, waxaana markii dambe la ii casuumey qof ahaan.

Waxaa ka mid ah halku dhegyada kooxda kuwa cunsuriyad ku dhisan sida “Badbaadi isirkaaga, kusoo biir kooxda The Base.”Baro, tababaro, dagaallan” iwm.

Hadalsame Media