Maxkamadda Sare ee heer gobol oo go’aan kama dambayn ah kasoo saartay Kiiskii Caa’isha

0

(Garoowe) 22 Agoosto 2019 – Go’aan kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa go’aan kama dambeys ah kasoo saartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12 jir ah, oo dil iyo kufsi loogu gaystey magaalada Gaalkacyo.

Kiiskan oo ay ku eedaysnaayeen dhowr qofood ayaa horay dil loogu 3 qofood, kaasoo ay rafcaan ka qaateen, balse Maxkamadda Sare ayaa xoojisey go’aankii hore ee Maxkamadda Darajada 1-aad ee Degmada.

Ragga dilka lagu xukumay oo ay labo ka mid ihi walaalo yihiin ayaa kala ah:

1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame

2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame

3: Cabdishakuur Maxamed Dige.

Umadda Soomaaliyeed ayaa il gaar ah u leh kiiska oo aad u gilgiley qalbiyada umadda Soomaaliyeed oo ka xumaaday qarada waxyeellada lagula kacay saqiirta sida arxan darrada loo qalay ee Caa’isho Yar oo bishii Febraayo lagu kufsaday kaddibna lagu diley Gaalkacyo.

Hadalsame Media