”Daraasad isku xirtey Soomaalida & cudurka austism-ka” – New York Times

0

(Minneapolis) 09 Agoosto 2019 – Inkasta oo ay magaalada ay deggan yihiin Eeshiyaan iyo dadka asal ahaan Maraykanka loogu yimid haddana kaydadku ma muujin carruurtooda falanqayntana lagu ma darin. Halkan ka akhri qayb kale.

Muddo ayay waaliddiinta Soomaalidu sheegayeen in carruurtoodu jirrada autism-ka qabaan – sida in ay hadli waayaan, iyo in ay ka baqaan in ay dadka kale wajiyadooda eegaan, xanaaq iyo dabeecado qallafsan.

Waxaa jirtay mar 25% carruurta dhigata iskuullada khaaska ah ee carruurta cudurkaan qabta ay Soomaali ahaayeen, ayadoo carruurta Soomaalidu yihiin 6% oo kaliya tirada ardayda.

Inkasta oo markii dalkii hooyo la joogay ay carruurtu dhibaatooyin qabeen sida carruuraha kale ee dunida haddana autism-ku waxa uu ahaa wax aan Soomaaliya laga aqoon oo xattaa ma jirin magac ama aray soomaali ahi oo loo yaqaannay ilaa Soomaalida Minnesota u bixiyeen “otismo”.

“Wanaag ayaan dareemayaa,” ayay tiri Idil Cabdull oo ah hooyo soomaali ah oo haysata ilmo autism-ka qaba ka na mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee codsada in baaritaan la sameeyo markii ay maqashay natiinada baaritaanka. “Waxaan ka cabsanayay in ay in yiraahdaan ‘ma aragno wax khaldan’ ayadoo aan ognahay in aan carruurteennu hadli karin.”

Autism-ku waxa uu aamusinayaa carruurta dalkii gabayga,” ayay tiri Idil oo hadelkeedi sii wadata mar ay amuurtaan ka hor sheegaysay Qaramada Midoowbay. “Haddii ay tahay wax hidde-sideheenna ku jira aadna ku dartid barafka Minnesota ama wax kale, na ogi, balse walax ayaa autism-ka sababaya.

Aabbahay waxa uu i baray in aan gabayga ku luqeeyo markii aan 4 jir ahaa, halka canugayga oo 11 jir ahi uusan labo jumlo akhrin karin. Waa wadnedillaac,” ayay Idil tiri.

Dr. Hewitt Mr. Rosanoff waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay arkaan daraasado dheeraad ah oo lagu sameeyo carruurta Soomaalida ayada oo la barbardhigayo carruuraha kale.

Dhamaad

Waxaa Diyaariyay: Cali Maxamed Diini

Hadalsame Media