”Carruurtiinu caqli kuma dhama caddaanka!” – Daraasad ay Soomaalidu ka caroon doonto oo kasoo baxday Maraykanka! (Qaybtii 1-aad)

0

(Minneapolis) 07 Agoosto 2019 – Daraasad waqti dheer la sugayay ayaa caddaysay cabsi ay in muddo ahba qabeen Soomaalida deggan Minneapolis, taas oo ah in tiro badan oo ubadkooda ahi la il daran yihiin nooc cudurka ee autism-ka ah oo curyaannimo sababa inuu ilmuhu si caadi ah u howlgalo, marka loo barbardhigo carruuraha kale.

Daraasaddan oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Minnesota, Rugta Xakamaynta & ka Hor tagga Cudurrada iyo Jamciyad u hadasha dadka qaba Autism-ka ayaa lagu ogaaday in 32-dii cunug oo Soomaalida Minnesota ahba mid ka mid ahi qabo curkaan, halka 36-dii caddaan ahba midi qabo cudurka autism-ka.

Qiyaasta heer qaran ee cudurku waa 88-dii ba hal cunug, sida ay qabto Coleen A. Boyle oo agaasima C. D. C.’s Centre on Birth Defects and Developmental Disabilities.

Balse waxaa dhici karta in carruurta Soomaalidu ay heerka shaqo ee maskaxdoodu ka hooseyso kuwa caddaanka, waxa laga yaabaa in I.Q-ga carruurta Soomaalidu uu ka hooseeyo 70 oo ah cabbirka ay tahay inaysan ka hoos marin garashada qofka saaxiga ah.

Daraasaddu ma aysan soo bandhigin faahfaahin ku saabsan tirakoobka ay adeegsadeen. “Ma ogin sababta Soomaali iyo caddaan badan warbixintu u magac dhowday.” Ayay tiri Amy S. Hewott, ka mid tirsan Jaamacadda Minnesota.

“Mashruucaan loo ma qaabayn in uu ka jwaabo su’aalahaan.” Natiijadu waxa ay iska daba kacday mid Iswiidhan lagu sameeyay sannadkii hore oo lagu ogaaday in carruurta qoysaska qaxootiga ee Stockholm, kuwaas in badan oo ka mid ahi Soomaali yihiin ay badankoodu qabaan cudurka autism ee curyaamiya garaadka.

Daraasadda Minnesota waxa ay ogaatay carruurta Soomaalida ee autism-ka qaba la ogaado goor dambe. Shan sano jir ayaa ah celcelis ahaan halka autism-ka iyo curyaaminada waxbarashada lagu ogaan karo 2 jir.

Carruurta waqtiga hore la ogaado in ay cudurka qabaan ayaa aalaaba hela daawaynta. Carruurta madowga Maraykanka iyo bulshada Hispanic-gu heerkooda autism-ku aad ayuu u hooseeya: waa hal 62dii cunug ba madowga, halka Hispanic-gu yihiin 80-kii ba hal cunug oo kaliya.

Daraasaddu meelo ayay ka dabran tahay. Qorayaashu carruurta u ma baarin si toos ee waxa ay daraaseeyeen kaydad caafimaad iyo kuwa waxbarasho oo la qaaday 2010, kuwaas oo laga qaaday 5,000 oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 9 jir. ”Dhammaan carruurta cudurkaan qabta ee Soomaalida ahi waxa ay qabaan dhaawac I.Q-ga ah,” ayay tiri Dr. Hewitt.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Cali Maxamed Diini

Hadalsame Media