DF Somalia oo warbixin hordhac ah kasoo saartay natiijada baaritaan lagu sameeyay qaraxii Xarunta Gobolka

0

(Muqdisho) 09 Agoosto 2019 – Wasaaradda Amniga Somalia ayaa soo saartay natiijada baaris hordhac ah oo aan wax badan ku darin xogihii horay loo hayay.

DF Somalia ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, ay ka dambeeyeen laba gabdhood oo ay midi indhool ahayd, taasoo sida ay sheegtay ”ka faa’iidaysatey caadifaddii naxariiseed ee loo hayay.”

Waxa qura ee natiijadan hordhaca ah ku cusub waa in ay labada gabdhood fasax isu dhow qaateen iyagoo aadey meelaha ay ka taliyaan kooxda Al Shabaab, sida ay warbixintu sheegayso.

Waxaa nariijada baarista hordhaca ah lagu sheegay in ay jiraan dad gacanta lagu hayo iyo kuwo la tuhunsan yahay oo sharciga la hor keeni doono.

Hadalsame Media