DF Somalia oo soo bandhigtay ciidamo cusub & degaanno ay qabsadeen + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Agoosto 2019 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska ayaa la sheegayaa in kooxda Shabaab uga itaal roonaadeed weerar ay ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Sida lagu faafiyay warbaahinta DF Somalia, saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa SONNA u sheegay in ay kooxdaa ka dileen 4 qof halka ay 5 kalena ka dhaawaceen.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalku ay halkaa ka xoreeyeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab oo ku sugnaa degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda, waxaana halkaasi ka socda baaritaanno amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay kooxda Alshabaab horay u haysatey, kuwaasoo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, wax u eg howlgal cusub oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamo cusub oo lagu soo tababaray Turkiga.

Hadalsame Media