Kooxda PSG oo dib ugu soo laabatay Donnarumma & Milan oo qiimaha u sheegtay

0

(Paris) 09 Agoosto 2019 – Paris Saint-Germain ayaa kusoo rogaal celisey qabtaha Gianluigi Donnarumma, balse AC Milan ayaa ku doonaysa ugu yaraan €50m, si ay lacagtaa ugu maalgeliso Angel Correa.

Goolwalahan ayaa muddaba u arkanaa kooxda PSG, xitaa kahor intaanu ku laabanin Maareeye Leonardo oo ka tegey kooxda San Siro.

Haatan maadaama uu Kevin Trapp u wareegey kooxda Eintracht Frankfurt, waxay wararku sheegayaan in horyaallada Ligue 1 ay dib ugu soo laba kacleeyeen doonista Donnarumma.

Yeelkeede, La Gazzetta dello Sport ayaa tilmaamaya in AC Milan aysan aqbali doonin in Alphonse Areola uu heshiiska qayb ka noqdo, kaasoo ah heshiis ay sidoo kale bishii hore diiddey.

Kooxda Rossoneri ayaa Donnarumma ku fasaxaysa ugu yaraan €50m oo kaash ah, si ay ugu soo qaataan Angel Correa, oo ay Atletico Madrid ku rabto €55m waloow ay Milan ogoshahay €40m iyo bareemiyo.

Milan ayaa shalay isku dayday inay Kessie ka iibiso kooxda Wolverhampton, balse heshiiskaasi ma dhicin kaddib markii uu laacibku diidey ku biirista kooxda EPL.

Hadalsame Media