LIVERPOOL VS NORWICH: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan (Horyaalka EPL oo furmaya)

0

(Liverpool) 09 Agoosto 2019 – Kooxda Liverpool ayaa caawa markale cayrsi u geli doonta horyaalka EPL oo ay sanad ciyaareedkii tegey sibiq ku seegtay, waxaana safka ka muuqda Sadio Mane oo wax ka wajahaya kooxda Norwich.

Ciyaartan oo ah midda oodda looga qaadayo Horyaalka Ingiriiska ayuu laacibkani kasoo muuqanayaa sida uu xaqiijiyay macallinka Reds ee Jurgen Klopp.

Waxaa sidoo kale soo noqday James Milner oo ku maqnaa jug yar oo dhanka muruqa ah, wuxuuna fursad u haystaa inuu caawa safto.

Klopp ayaa daafaca dhexe mid ka qaadanaya Joe Gomez, Joel Matip iyo Dejan Lovren. Andrew Robertson, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ayaase huba booskooda daafaca, kaddib dhaawicii jilibka ee Nathaniel Clyne.

Fabinho oo wacdaro ka dhigay xilli-horaadka ayaa dhexda la taagan Jordan Henderson iyo Georginio Wijnaldum haddii lacalla Milner laga ilduufo. Divock Origi ayaa fooska leh haddii la kaydiyo Mane.

Halkan hoose ka eeg shaxaha labada naadi:

Hadalsame Media