Siyaasi caan ahaa oo goor dhowayd la diley

0

(Baydhabo) 09 Agoosto 2019 – Cali Aadan Marguus, oo ahaa siyaasi hore balse sanadihii dambe siyaasadda ka baxay ayaa lasoo sheegayaa in la diley.

Cali Marguus oo iminka ahaa ganacside iyo beeraleey, ayaa lagu warramayaa in lagu dilay beer uu ku lahaa Maaya Fuulka oo u dhow magaalada Baydhabo.

Weli lama hayo xog hubban, balse wararka ayaa dilka Marguus u sababaynaya inay la xiriirto muran dhanka dhul la isku qabsaday ah, sida uu sheegayo weriye Cabduqadir OK.

Hadalsame Media