KHAA’INUL WADDAN: Wuxuu dibin-daabyeeyaa dadkiisa & dalkiisa (Ma difaac buu kaa mudan tahay?!!)

0

 

(Hadalsame) 09 Agoosto 2019 – Khaa’inul waddan waa dambiile dalkiisa iyo dadkiisa khiyaana, dhibna ku ah nabadiisa iyo madax-banaanidiisa. (Treason, the crime of betraying a nation or a sovereign by acts considered dangerous to security).

Qofka khaa’inul waddanka wuxuu dhib ku yahay jiritaankaaga dadnimo, midka dalkaaga iyo midka mustaqbalka caruurtaada, hadaba qofkaasi ma lagu difaaci karaa qabiil, saxiibtinimo iyo Soomaalinimo? Jawaabta adigaan kuu daynayaa.

Kuwa garab siinaaya Kenya, Imaaraadka iyo cadawga la midka ah, waa dambiilayaal, diin iyo dhaqan aan lahayn oo u soo shaqo tagay inay dalka Somalia iyo khayraadkiisa ay hoos geeyaan ajnabi, iyagoo eeganaaya dantooda gaarka ah.

Somalia waa dowlad xor ah, waa inay siyaasadeeeda iyo dhaqaalaheedaba ay iyadu u madax-banaanaato oo ay maamusho, waxaa nagu waajib ah inaan dalka ka difaacno kuwa naga midka ah ee ajanabiga adeegayaasha u ah.

Wa billaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qasim

Hadalsame Media