SAWIRRO: Booliiska oo soo bandhigay gantaalihii lagu qabtay kooxaha cunsuriga ah (Dalka Qadar oo fari gashay)

0

(Torino) 15 Luulyo 2019 – Waxaannu horay u sheegnay in baaritaan lagu sameeyay taageerayaal ka tirsan kooxda Juventus ay horseeday in lasoo helo kayd hub ah oo aad u ballaaran, kaasoo ay xitaa ku jiraan gantaalaha dhul-ka-cirka ah, kuwaasoo ku jirey kooxaha Naasiyiinta Cusub ee cunsuriga ah.

Booliiska magaalad Torino ayaa saaka ku dhawaaqay inay qaadeen weerar ay kusoo qabteen 3 qofood oo uu ka mid yahay 50-jirka Fabio Del Bergiolo, oo horay u ahaan jirey sarkaal sare oo ka tirsan ilaalada xuduudaha, isla markaana Aqalka Senetka isu sharraxay 2001-dii.

Haddaba, waxaa haatan la helay sawirka gantaalo ay lasoo wareegeen Booliiska la Dagaallanka Argagixisada, kaasoo ay adeegsanayeen kooxaha xag-jirka ee midigta u janjeera ee cunsuriyiinta ah.

Kooxdan oo la sheegay inay xitaa kasoo dagaallameen magaalada Donbass, ee bariga Ukraine ayaa waxaa u xaraysnaa hub ay ka mid yihiin gantaalaha casriga ah ee Cir-ka-dhul ee ay isticmaalaan ciidamo ay ka mid yihiin kuwa cirka Qadar.

Lama se sheegin sabab dhab ah oo ay warbaahintu u xusayso in hubkan ay Qadar isticmaasho. Ha yeeshee waxaa horay usoo baxay warar sheegaya in madaxda dalal ka tirsan Khaliijku ay hoos ka taageeyaan kooxaha ku kacsan Islaamka iyo ajnabiga ee ka kacay Galbeedka, iyagoo halkaa ka raadinaya fursad caato ah oo ay ku cadaadin karaan kooxaha iyaga diiddan ee Galbeedka ku sugan, balse aan ka fikirin halista ka badan ee ay babibanayaan. Halkan ka akhri.

Booliiska Gaarka ah ee Digos ayaa baaritaanka bilaabay sanad kahor kaddib markii boor lagu arkay taageerayaal ka tirsan kooxda Juventus.

Hadalsame Media