Dayuuradda Ethiopian Airlines oo duullimaadyo ka bilowday Puntland (Ugandan Airlines oo iyaduna iclaamisay)

0

(Addis Ababa) 29 Juun 2019 – Sharikadda Dayuuradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines Group ayaa si rasmi u bilowday duullimaad ay todobaadkiiba 3 jeer ku tegeeyso Garoowe, Somalia, iyadoo mareeysa via Bossaso, Somalia, kaasoo sidii loo qorsheeyay u bilowday maanta oo ah 15-ka Luulyo 2019.

Waa magaalooyinkii 3-aad iyo 4-aad ee Somalia ka tirsan ee ay duullimaaydo ku tagto Ethiopian Airlines kaddib Muqdisho iyo Hargaysa.

Halkan ka eeg jadwalka duullimaadkan oo lagu qoray saacadaha, wuxuuna imanayaa Isniin iyo Arbaco kasta:

ET 0368 Mon, Wed,
Sat. ADD 11:30 BSA 13:35 ET DH8

ET 0368 Mon, Wed,
Sat. BSA 14:35 GGR 15:20 ET DH8

ET 0368 Mon, Wed,
Sat. GGR 16:20 ADD 18:20 ET DH8

Dhanka kale, sharikadda Uganda Airlines ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay si rasmi u bilaabayso duullimaad ay ku imanayso magaalada Muqdisho, kaasoo si toos ah iskugu xiri doona caasimadaha Somalia iyo Uganda.

Waloow aysan si toos ah u shaacinin waqtiga misna waxay Twitter kusoo qoreen sidatan: ”Hello Mogadishu! Waxaannu xiisaynaynaa inaan fuulno geeliinna faraha badan oo aan soo aragno dalkiinna quruxda badan! Uganda Airlines, dhaqse ayay usoo duulaysaa.”


Somalia oo kasoo kabnaysa dagaallo micna darra ah oo la degey ayaa waxaa haatan ka shaqeeya dayuurado fara badan oo caalami ah, kuwaasoo sii kordhaya maalinba tan xigta.

Hadalsame Media