SAWIRRO: Qaar ka tirsan taageerayaasha Juventus oo lagu qabtay hub ay jabhadi ku dagaallami karto (Kooxo halis ah oo ay ka tirsan yihiin)

0

(Torino) 15 Luulyo 2019 – Baaritaan lagu sameeyay taageerayaal ka tirsan kooxda Juventus ayaa horseeday in lasoo helo kayd hub ah oo aad u ballaaran, kaasoo ay xitaa ku jiraan gantaalaha dhul-ka-cirka ah, kuwaasoo ku jirey kooxaha Naasiyiinta Cusub ee cunsuriga ah.

Booliiska magaalad Torino ayaa saaka ku dhawaaqay inay qaadeen weerar ay kusoo qabteen 3 qofood oo uu ka mid yahay 50-jirka Fabio Del Bergiolo, oo horay u ahaan jirey sarkaal sare oo ka tirsan ilaalada xuduudaha, isla markaana Aqalka Senetka isu sharraxay 2001-dii.

Baaritaanka ayaa bilowday kaddib markii boorar ay leeyihiin taageerayaal ka tirsan Juventus balse raacsan afkaaraha Fajiistaha lana yiraahdo kooxda Drughi laga helay Legio Subalpina oo ah bartamaha Torino, taasoo keentay in gacanta lagu dhigo hub fara badan oo aan marna la filaynin.

Waxaa hubkan ka mid ah qoryaha daran-doorriga u dhaca, rasaasta gaashaannada ka dusta iyo xitaa gantaalaha dhulka laga gano oo casri ah.

Weerarka ayaa saaka lagu qaaday meelo badan oo ka tirsan woqooyiga Talyaaniga sida magaalooyinka Milano, Varese, Pavia, Novara iyo Forlì, iyadoo la xaqiijiyay xiriir ka dhexeeya kooxahan xag-jirka ah ee midigta fog sida Naasiyiinta Cusub, Fajiistayaasha Cusub iyo taageerayaashan ka tirsan Juventus, sida uu sheegay taliyaha ciidamada gaarka ah ee Digos, Carlo Ambra.

Kooxaha noocan ah ayaa neceb soo galootiga iyo dadka aan caddaanka ahayn guud ahaan.

Hadalsame Media

Facebook Comments