CEEB: Dalalka Khaliijka oo kharash badan ku bixiya in la noco Muslimiinta Galbeedka (Taageero ay siiyaan kooxaha Midigta Fog & ujeedka)

0

(Hadalsame) 30 Muqdisho 2019 – Dowladaha Carabta gaar ahaan kuwa aan dimoqraadiga ahayn, sida Khaliijka iwm ayaa la sheegay inay xiriir dhow la samaynteen kooxaha xag-jirka ah ee Midigta Fog si loo noco Muslimiinta ku dhaqan galbeedka, sida uu qoray Daily Sabah.

Waloow aysan is keenaynin siyaasadda dowladaha Bariga Dhexe iyo kooxaha Midigta Fog, misna waxay heleen meel dhexe oo ay dan ka wada arkeen.

Tusaale ahaan, dowladahan Carbeed oo qaar badan oo ka tirsani ay hayaan kharash badan oo aysan qorshe wax ku ool ah u haynin ayaa waxay malaayiin doollar ku khasireen daraasaad ku aaddan in dib loo qaabeeyo aragtida ay galbeedku guud ahaan ka haystaan Muslimiinta, iyagoo arrintaa ka leh hadaf rakhiis ah oo ku aaddan burburinta gayfanayaasha Muslimka ah ee xukunkooda diiddan ee Galbeedka ku nool, kuwaasoo ay qaar muftiyaal yihiin.

Foreign Policy ayaa warbixin uu Sabtigan daabacay ku sheegay in madaxda fadhiidka ah ee dalalkaas oo kaliya ka fikiraya sidii ay xukunka u haysan lahaayeen ay “Galbeedka ku beer dulucsadaan” inay laftoodu dhib kala kulmeen aragtiyaha xag-jirka ah ee kooxaha xag-jirka ah ee Muslimiinta u nisba sheegta.

Waxay warbixinta FP sheegaysaa in madaxda dalalkan Carbeed ay adeegsanayaan xeelado bajin ah oo ay uga badbadinayaan halista kooxahaasi si ay u dhaliyaan laba gool oo mid yahay in kooxahaa la beegsado iyo in iyaga iyo xukunnadooda kali taliska ah loo arko “cidda qura ee kooxahan xakamayn karta.”

Inay reer Galbeedka siyaasadaha noocaas ah ka gadaan ayaa ahayd mid muddo dheer soo socotey, waana sababtay ay kali talisnimadu ugu badan tahay dunida Carbeed, tusaale, Masar oo heshay nidaam dimoqraadi ah waxaa ka dhacay afgembi ay Galbeedku taageereen.

Tusaale cad oo arrintan ka marqaati ah waa hoggaamiyaha ururka cunsuriga ah ee Ku Klux Klan, David Duke, oo taageero u muujiyay hoggaamiyaha Syria ee Bashar Assad mar uu Dimishiq booqday 2005-tii, isagoo iska indha marinaya kali talisnimadiisa iyo caburinta shacabka.

“Assad waa geesiga casriga waayo wuxuu u babac dhigay ciidamada shaydaanka ee burburinaya qarankiisa iyo dadkiisa – ALLE HA BARAKEEYO ASSAD!” ayuu soo tweet gareeyay 2017.

Dalka Sucuudiga Carbeed ayaa isna hoosta ka galay siyaasiyiinta Midigta Fog ee Galbeedka kaddib markii uu ku ceeboobey dagaalka Yaman iyo khaarajintii Jamaal Khashuuqji, si uu uga hor tago hindiseyaal isaga ka dhan ah oo kasoo fufayay siyaasadda bidixda iyo midda dhexe ee Galbeedka oo Sucuudiga oo lasii difaaco u arkayay bar madoow oo ku taalla siyaasadooda dibedda.

Xukaamta dalalka Carbeed kuwooda kali taliska ah ayaa u nugul in loo adeegsado wax kasta oo ka dhan ah Muslimiinta iyo danahooda guud, maadaama ay iyagu leeyihiin hal hadaf oo qura, kaasoo ah inay xukunka haystaan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media