DF Somalia oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo diyaariyay dagaal la sheegay in ”dalka lagu xoreeynayo” + Sawirro

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Md Xasan Cali Khayrre, ayaa maanta kormeeray xerada tababarka ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Gordan oo ay ku sugan yihiin ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xerada u tegay la socodka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhex galay ciidankan qaybta ka ah ciidamada Xoogga Dalka ee loo diyaariyay wax lagu sheegay ”qorshe ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada” ayaa ka xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

RW Khayre ayaa sidoo kale xerada tababarka Jeneraal Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidankan, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka Xoogga Dalka.

Hadalsame Media