DEG DEG: Danjirihii Britain u fadhiyay Maraykanka oo Trump dartii isu casiley + Sawirro

0

(Washington, DC) 10 Luulyo 2019 – Danjirihii UK u fadhiyay dalka Maraykanka, Sir Kim Darroch, ayaa xilkaa iska casiley ka gadaal markii uu MW Donald Trump wacad ku maray in aanu dib ula hadli doonin, kaddib markii ay bexeen kayballo muujinaya Danjiraha oo caayaya Trump oo uu ku sheegay ”nin aan saaxi ahayn.”

Sir Kim ayaa sheegay inuu sidaa u yeelay si uu usoo af jaro gubatada diblomaasiyadeed ee ka kacday labada dal ee Maraykanka iyo Britain oo ah laba jaal oo inta badan isu dhow.

Sir Kim Darroch ayaa Trump ku tilmaamay mid “bilaa xirfad ah,” “damiin ah,” isla markaana “sirgaxan” isagoo xaaladda iminka ee Aqalka Cad ku tilmamay mid ”aan shaqaynayn.” Yeelkeede, waxayna taasi abuurtay weji gabax iyo yax yax diblomaasiyadeed oo labada dal dhexmaray.

Waxay taasi deeto soo faruurtay daad aflagaaddo ah oo Danjiraha kaga imanayay dhanka Madaxwaynaha Maraykanka oo awalba ahaa qofka ugu dambeeya ee akhyaarnimo lagu xanto, isagoo cambaareeyay xitaa RW Britain ee Theresa May oo uu siyaasadeeda Brexit ku tilmaamay ”mid musiibo ah” iyo sidoo kale Sir Kim.

Intaa kaddib, Wasiir Dibadeedka Britain Jeremy Hunt ayaa weerar ku qaaday MW Maraykanka ee Donald Trump isagoo dhaliisha shaaca ah ee uu u jeediyay ku tilmaamay “mid khaldan oo xushmad darro ah.”

Arrintan ayaa xitaa kala qaybisay horseedka siyaasadda Britain oo ay qaarkood ka safteen Danjirohoodii iyaguu la dhacsan warka Trump, sida Boris Johnson oo qolqollada awoodeed ee London looga arko nin aan sidaa u xikmad badnayn.

Hadalsame Media