Britain oo weji gabax kala kulmay soo bixidda kaybalka Danjirohooda oo caayaya Donald Trump!

0

(Washington, DC) 08 Luulyo 2019 – Nidaamka Britain ayaa iminka u kala ordaya sidii ay u asturi lahaayeen ceeb ay dhex istaageen kaddib markii la dusiyay Danjirohoodaa oo si xun u xamanaya MW Maraykanka ee Donald Trump, xitaa haddii ay badankoodu ku raacsan yihiin waxa uu ka sheegay.

Dhibku wuxuu ka yimid in warkan oo aan jamaahiirta loogu tala gelin uu dibedda usoo baxay, kaasoo muujinaya sida uu diblomaasiga ugu sarreeya Britain ee Washington uu u arko odayga dalkaa ka taliya.

Sir Kim Darroch ayaa Trump ku tilmaamay mid “bilaa xirfad ah,” “damiin ah,” isla markaana “sirgaxan.” Yeelkeede, waxay dhibaatadu ka taagan tahay arrintan oo abuurtay weji gabax iyo yax yax diblomaasiyadeed.

Wasiir Dibadeed Britain Jeremy Hunt oo isku deyaya inuu xakameeyo shilka dhacay ayaa sheegay in Danjiruhu uu ka hadlayay ra’yigiisa khaaska ah oo aanay la qabin, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay midka ugu diirran.

Yeelkeede, Wasiirka Ganacsiga Britain Liam Fox, oo haatan Maraykanka ka raajicinayay inuu heshiis ganacsi la saxiixdo xilli ay ka bixi rabaan Midowga Yurub, balse uu jidka qodxo u dhoobay Danjirihii dalkiisu ayaa ku xanaaqay qofkii warkan dusiyay, halkii uu ka hadli lahaa qofka yiri ama runta la sheegay.

“Dusinta wararka noocan oo kale ihi waa kuwo aad u liita, aan xirfadi ka muuqan, aan anshax ku dheehnayn, isla markaana aan waddaniyad lahayn.” ayuu ku qayliyay isagoo caro la qaacaya.

Hadalsame Media