RASMI: Kooxaha AC Milan & Inter Milan oo soo bandhigay garoonka cusub ee ay dhisanayaan

0

(Milano) 10 Luulyo 2019 – Kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ayaa wada jir u gudbiyay garoon cusub oo casri ah oo ay wada dhisanayaan kaasoo qaadi doonaa ilaa 60,000-taageere, isla markaana bedelaya San Siro.

Labada naadi ayaa bishii tagtay xaqiijiyay inay ku heshiiyeen in la dumiyo San Siro oo ay leedahay dowladda hoose ee Milano, balse iyaga ka kiraysan, deetana ay dhistaan garoon cusub oo ay iyagu leeyihiin oo laga taagayo meel ku dheggan garoonka San Siro ama ‘Scala del Calcio’.

Kooxahan ayaa haatan duqa Milano ee Beppe Sala u gudbiyay dokumentiga qorshaha mashruucan oo ay ku sheegeen mid ‘farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba waxtar leh’, kaasoo abuuri doona 3,500 oo shaqooyin cusub ah, isla markaana ay ku baxayso lacag dhan €1.2m oo euro.

War ay soo qoreen oo wada jir ah ayaa u qornaa: “Maanta, A.C. Milan S.p.A. (AC Milan) iyo F.C. Internazionale Milano S.p.A. (FC Internazionale) waxay Dowladda Hoose ee Milano u gudbiyeen mashruuc ballaaran oo magaalada wax tari doona.

Labada kooxood oo 90 sano kiraysanaya oogada dhulka dhismayaasha laga sameeynayo ayaa dhisaya garoon, goobo madadaalo, dukaamaysi, makhaayado iyo aag cagaaran, kuwaasoo shaqaynaya sanadka oo dhan, 7 maalmood todobaadkii.

Lama oga go’aanka Sala oo beri dhowayd sheegay inaan San Siro la dumin doonin wixii ka horreeya 2026 oo ay Milano marti gelinayso ciyaaraha Olombikada Qaboobaha.


Hadalsame Media