War kasoo kordhay is mari waagii RW Khayrre & Wasiirrada Puntland

0

(Gaalkacyo) 10 Luulyo 2019 – Shirkii u socday wefdiga Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre iyo Wasiirrada Puntland ayaa ugu dambayn is fahan ku dhamaaday, waxaana la filayaa in Xassan Cali Kheyre galabta soo gaaro waqooyiga Gaalkacyo oo bulshada kula hadlo Garoonka Cayaaraha Cawaale, sida uu Hadalsame u sheegay weriye Siciid Nadaara oo ku sugan woqooyiga Gaalkacyo.

RW Khayrre iyo Wasiirrada Puntland ayaa isku khilaafsanaa cidda uu Khayrre kula kulmayo booqashadiisa, isagu wuxuu go’aansaday in uu la kulmo bulshada sidoo kalena uu booqdo meelaha u baahan wax ka qabashada sida isbitaal meesha looga dhisayo qaab isku tashi ah iyo Garoonka Cayaaraha Caawale oo casriyayn u baahan, sidoo kalena uu dadka kula hadli doono.

Halka ay Wasiirradu sheegeen in waqtiga kooban ee uu joogayo uu kula kulmo iyaga, isimada iyo siyaasiyiinta Puntland, balse wuxuu u sheegay in ujeedkiisu uu yahay inuu eego meelaha wax ka qabashada u baahan maadaama uu waqtigu yar yahay, sida uu noo sheegay Nadaara.

Galabta 3-da marka ay saacadda maxalliga ihi tahay ayaa lagu wadaa inuu kasoo dhaqaaqo dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo isagoo kulan gaaban la qaadan doona Wasiirrada kaddibna booqan doona meelo kala duwan dadkana garoonka kula hadli doona, isagoo lagu wado inuu isla maantaba dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo la sheegay inuu kula kulmayo wefdi caddaan ah.

Hadalsame Media