ARRIMAHA BADDA: Dhambaal XASAASI ah oo ku socda madaxda Somalia

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2019 – Madaxda Soomaalida: Yeysan u Nuglaan Cadaadiska Kenya… Sannadkii aanu soo dhaafney iyo weliba bilihii ugu dambeeyey xukuumada Kenya ayaa aad u kordhinaysay cadaadiska dhinaca dibulumaasiyada ah oo ay saareyso soomaaliya iyada oo uga gol leh in ay madaxda soomaalida ku qasbaan in ay ka laabtaan kiiska dhinaca badda ee yaala maxkamada caalamiga ee cadaalada arintaasna wada hadal lagu dhameeyo iyadoo sida muuqata rajo badan ka qabin in ay ku guuleysato kiiskaas la xiriira dhinaca badda.

Xukuumada soomaaliya talaabooyinkaas is xig xigay ee Kenya ay qaadeysay waxa ay kaga jawaabeysay si degan oo dibulaamaasiyad ku jirta waxaana madaxda soomaaliyeed ay ku cel celinayeen in Kenya ay sugto go’aanka maxkamada caalamiga ee cadaalada kuna kalsoonaato isla markaana soomaaliya aysan diyaar u aheyn in ay wax wada hadal iyo gor gortan ah ay arimahan ka gasho.

Kenya markii talaabooyinkaas aan soo shaagay ay u shaqeyn waayeen ayey waxa ay bilowday in Mareykanka ay la hoos galaan si xukuumada soomaaliya loogu qasbo in ay wada hadal ogolaato waxaana dhacday in cisho dhaweyd Danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka kenya Kyle McCarter oo wareysi siinayay telefishinka Citizen ee ka hawlgala Kenya uu ka dhawaajiyay in Mareykanka uu ka shaqeynayo sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista khilaafka ka taagan dhul badeedka Kenya iyo Soomaaliya.

Safiirka oo wax laga weydiiyay, aragtida Mareykanka ee ku aadan muranka badda, waxaa uu sheegay in wadahadal lagu dhameeyo muranka isla markaasna ay tahay tallaabada ugu wanaagsan ee lagu soo afjarayo arrintaas.

Kyle McCarter waxaa uu sidoo kale sheegay in labada dal aysan inaba kala maarmi karin gaar ahaan xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga ku aadan arrimaha amniga sidaas darteed ay muhiim tahay inay isku yimaadaan si ay xal uga gaaraan khilaafka ka dhex taagan.

Marka arimahan dhinacyo badan laga eego waxaa cad in kenya geed gaaban iyo mid dheerba ay u koreyso sidii xukuumada soomaaliya loogu qasbi lahaa in ay ka laabato kiiska dhinaca badda ee yaala maxkamada caalamiga ee cadaalada arintaasna wada hadal lagu dhameeyo.

Haddaba waxaa muhiim ah in madaxda soomaalida aysan u nuglaan cadaadiska Kenya iyo kuwo kaleba ayna ku adkeystaan in laga war sugo go’aanka maxkamada caalamiga ee cadaalada marnabana aysan ogolaan sida ay kenya iyo kuwa dabada ka riixaya ay doonayaan.

“Nin xaaskaaga doonaya gabadhayda hoo’ laguma karo!”.

Kenya ayaa sidaas ka dhigan Badda soomaaliyeed ayey doonaysaa in ay boobto oo qaadato wax ka yarna kuma qanacsano waase hadii laga yeelo.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur Maxamed (Colombo)

Hadalsame Media