Barcelona oo arrin uga dayatay kooxda Inter Milan + Sawirro

0

(Barcelona) 06 Feb 2019 – Kooxda FC Barcelona ee dalka Spain oo caawa dheelaysa kulan ka tirsan Koobka Boqorka Spain ayaa ku dhaqaaqday arrin ay Inter samaysay todobaad dhamaadkii.

Kooxda Barca ayaa caawa kulan Classico ah kula ballansan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid – kaasoo aad toos uga daawan doontaan Hadalsame Media – ayaa kusoo geli doonta magacyo ku qoran af Shiinays.

Kooxda Blaugrana, ayaa arrintaa ku maamuusaysa sanadka cusub ee doofaarka ee Shiinaha oo Talaadadii shalay ahayd bishay.

Yeelkeede, waxaa jira farqi yar, waayo Barca magaca waxay marka hore u dhigtay qaab Laatiin ah, kaddibna waxay ku fasirtay af Shiinays, halka Inter ay ka wada dhigtay af Shiinays.

Waloow ay Inter tahay koox ay Shiinaysku leeyihiin, misna kooxaha Yurub ayaa sidan u yeelaya si ay usoo jiitaan suuqa ballaaran ee Shiinaha oo leh taageerayaal badan oo kubadda cagta ah.


Hadalsame Media