Maxaa Inter Milan ku khasbay inay berri ku dheesho magacyo af Shiinays ah? (Sawirrada & sababta)

0

(Milano) 02 Feb 2019 – Talaadada soo aaddan oo ay taariikhda Febraayo ku beegan tahay 5 waxaa bilanaya sanad-bileedka cusub ee Shiinaha.

Sidaa darteed, Inter Milan oo ay leedahay sharikadda Shiinayska ah ee Sunning Group ayaa arrintaa u maamuusaysa si gaar ah.

Si lagu xaqiijiyay war kasoo baxay dhanka Inter, waxay berri fiidkii kulanka Bologna ee Serie A kula ciyaarayaan funaanad ay magacyada ku qorani af Shiinays ku dhigan yihiin.

In magaca af Chinese lagu qoro kuma cusub kooxdan uu hoggaamiyo Steven Zhang, balse waxaa berri aad muhim ugu ah inay natiijo wanaagsan ka gaarto ciyaarta Bologna jeer ay dood ku jirto jagada Luciano Spalletti.

Hadalsame Media