JUV VS PAR 3-3… Gervinho oo Juve gurigeeda ku joojisey + Sawirro

0

Kooxda Juventus ayaa gurigeeda lagu geliyay barbarrihii 2-aad oo dhanka horyaalka ah kaddib markii ay Parma la dhaafi wayday 3-3.

Kooxda Juve oo markii ugu horreeysey muddo 10 sanadood ah dheelaysay iyadoo aanu mid ka safnayn laacibiintii daafaca ahaa ee BBC ayaa waxaa 2 gool ugu qaaraamay xiddigga Ronaldo.

Yeelkeede, kooxda Parma oo daqiiqaddii 66-aad 3-1 lagu hoggaaminayay ayaa kasoo kabatay wax mar u ekaa guuldarro hubban iyadoo markii ay 2 daqiiqo ka harsanayd waqtiga dheeriga ah 3-3 ka dhigtay ciyaarta, waxaana laba gool oo qurux badan u dhaliyay jookarkeeda Gervinho.

Hadalsame Media