DAAWO: Nin sheegta guddoonka jaalliyada Somalia ee Qadar oo si xun u bahdiley calanka Somalia

0

(Dooxa) 02 Feb 2019 – Nin magaciisa lagu dheegay Cali Gaab oo sheegta inuu yahay Guddoomiyaha jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar ayaa si xun oo nacasnimo ah ula dhaqmay calanka qaranka Soomaaliyeed.

Halkan ka DAAWO…

Ninkan ayaa markaa u taagnaa inuu u hambalyeeyo guushii ay Qadar shalay ka gaartey dhamaadkii Koobka Qaramada Aaasiya.

Ninkan oo dalkaasi ku jooga qiyam uu ku helay isla calanka uu liidayo ee Somalia ayuu nin lasoo ag istaagayaa calanka Somalia.

Deeto wuxuu si ay xishood darro iyo xeerin la’aani ka muuqato wuxuu u leeyahay ”War iga leexi bahalka” isagoo aan xitaa ka fikirin in kaamiro duubayso oo uu calooshiisa ku haysto nacaybkiisa. Waxaana kaddib u qoslaya kuwii meesha taagnaa oo sida muuqata fikirkiisa u riyaaqsan.

Safaaradda Somalia ee Qadar ayay waajib ku tahay inay ninkan marka ugu horreeyso ka xayuubiso xilka uu ku hayo magaca Soomaaliyeed iyo xitaa baasaboorka, maadaama uusan ogolayn calanka qura ee caalami ah ee ay Soomaaliya leedahay.


Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media