BARCELONA VS REAL MADRID: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Barcelona) 06 Feb 2019 – Kooxda Barcelona ayaa caawa gurigeeda ku qaabilaysa kooxda Real Madrid oo ay la dheeleyso lugta hore ee nus-dhamaadka Koobka Boqorka.

Dhanka Barca: Kooxda Ernesto Valverde ee Barcelona oo horay usoo reebtay kooxaha Cultura Leonesa, Levant iyo Seville waxay higsanaysaa sidii ay ku gaari lahayd dhamaadka koobka, halka kulan kasta oo ay la ciyaarayso Real uu ka dhigan yahay mid iskii u shidan taariikh ahaan, xitaa haddii uu yahay mid iskululays ah.

Dhanka Real: Kooxda Real Madrid ee Santiago Solari waxay jidka kusoo martay Melilla, Leganes iyo Girona, maadaama ay 8 dhibcood sare u eegayso kooxda Barça dhanka taxa kala sarraynta horyaalkana, kulankani wuxuu uga dhigan yahay naf celis ay ku dawayso fasal-ciyaareedkeeda yara daallan.

SAFAFKA SUURTAGALKA AH

BARCELLONA (4-3-3): Ter Stegen, Sergi Roberto, Piqué, Lenglet, Jordi Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suarez, Coutinho.

REAL MADRID (4-3-3): Courtois; Carvajal, Varane, Sergio Ramos, Reguilon; Modric, Casemiro, Kroos; Lucas Vazquez, Benzema, Vinicius Junior.

Hadalsame Media